Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamo farabadan oo Itoobian ah oo aroortii qabsaday degmada YEED ee Bakool

$
0
0

Wararka laga helayo degmada Yeed ee gobalka Bakool ayaa xaqiijinaya ciidamo Itoobiyaan ah ey saaray aroortii hore qabsadeen magaalada iyagoo argagax ku abuuray dadka shacabka inta ku hartay magaalada.

Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli xaalado adag oo dhinaca
ammaanka ah ay ka jirto magaalada Muqdisho, saraakiisha dowladda KMGna
ay ka arrinsanayaan talaabooyinka la gudboon iyadoo la xamanayey beryahan dowlada iney dooneyso iney ciidamo amxaaro ah wadanka ku soo hogaamiyaan.


Ciidamada gudaha u galay Yeed ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay
howlgalo kula dhaqaaqeen xaafadaha degmadaasi si ammaankooda ay u
sugaan iyagoo qabqabty dhowr qofood oo joogay guryahood.


Macalin Maxamed Axmed oo ka tirsan saraakiisha dowladda KMG ayaa wuxuu
sheegay imaanshaha ciidamada Itoobiyaanka in ay qeyb ka tahay sugidda
ammaanka xuduuda ay wadaagaan labada dal ee Somalia iyo Ethiopia.
Todobaadkii hore ayaa cutubyo ciidamo Itoobiyaan ah waxaa lagu arkay deegaanka Kalabeyr ee gobalka Hiiraan.
Dhaq dhaqaaqyadan ayaa waxaa ay burinayaan hadal uu jeediyay R/wasaaraha
Ethiopia Meles Zenawi kaasi oo dhawaan uu ku sheegay in aan wax qorshe
ah ka laheyn in ciidamo Itoobiyaan ah ay mar kale yimaadaan gudaha
Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>