Kadib dagaalo iyo duqeymo xoogan oo ka dhacay xaafado dhowr ah oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa isu soo taraya khasaraha ey geeysteen duqeymo loo geystey xaafadaha qaar.
Degmooyinka
Hawl wadag, Hodan iyo qaybo kale oo ay ka mid tahay Suuqa Bakaaraha
ayaa ka mid ahaa meelihii xalay ay Madaafiicdu ku dhacday.
Madaxa
Gaadiidka Gurmadka deg deggan ah ee Nation Link Laife Laine Afrika Cali
Muuse ayaa ka hadlay dhaawacyadii ay ka qaadeen goobihii ay duqeymuhu
ku dhaceen iyo waliba dhimashadii ay arkeen intii ay ku guda jireen
hawlaha gurmadka Dadka Dhaawaca ah.s
Cali
Muuse ayaa sheegey in illaa xalay ay qaadeen dad dhaawacyo kala duwan
qaba oo isugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasoo ay tiradodu
gaareysey illaa iyo Soddon iyo Toddoba Ruux oo rayid ah.
Cali
Muuse ayaa intaa ku daray inay arkeen illaa Sagaal Ruux oo dhimasho ah
oo ay ku arkeen goobihii ay ka qaadayeen dadka dhaawaca ah si ay
isbitaalada u gaarsiyaan.
Cali
Muuse ayaa intaa ku daray in ay dhici karto in khasaaruhu uu intaa ka
sii bato maadaama duqeymuhu ay yihiin kuwo si joogta ah u soconaya
habeen iyo Maalin.
Warka ayaa intaa ku daray in Saakay waaberigii illaa Sagaalkii subaxnimo Madaafiic dhowr ah lagu soo garaacay Suuqa Bakaaraha.
Madaafiicdan
saakay ku soo dhacday gudaha suuqa bakaaraha ayaan la garanayn
khasaaraha dhabta ah oo ay geysteen waxayse saameyn ku yeesheen
ganacsigii oo qaddar hakad galay.
Si
kasta ha ahaatee Dagaalada oo haatan tiro belay maalmaha ay soconayaan
ayaa ah kuwo si weyn u saameeyey nolosha dadka reer Muqdisho oo
maalmihii u danbeyey ay soo food saartay wel wel fara badan.