Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Inj. Yariisow "Alshabaabku dagaal ey soo qaadeen waa ku guul dareysteen"

$
0
0

Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ayaa waxaa uu sheegay xarakada
Al-Shabaab inay ku guul dareysatay weerarka culus ee dowladda ay ku
qaaday.


“Runtii waxay sheegeen dagaalkii ugu dambeeyay in ay ku soo qaadeen
dowladda, hasa ahaatee waxaa muuqata in aysan wax guul ah aysan gaarin,”
ayuu yiri Injineer C/raxmaan Yariisow.


Wuxuu tilmaamay in ciidamada Al-Shabaab aysan wax guul ah ka gaarin
dagaaladii cuslaa ee maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho,
oo weli ay joogaan goobihii ay hore ugu sugnaayeen.


Magaalada Muqdisho ayaa saaka oo Arbaco ah waxaa laga dareemayaa jawi deganaansho inkastoo aan la’isku haleen karin.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda KMG ayaa ugu baaqay shacabka in meel looga soo wada jeesto dhinacyada dowladda ka hor jeeda.


Hadalkiisa ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo saraakiisha Al-Shabaab
maalmihii dagaalada ay socdeen ay saxaafadda tuseen fariisimo ay ka
qabsadeen ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda KMG gudaha magaalada
Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>