Guddoomiyihii
hore ee Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyey Kooxaha ka soo hor jeeda
Dawladda inay caqanad ku yihiin hanaanka nabadda Soomaaliya isagoona
hoosta ka xarriiiqay inay wataan Rag ajaaniib ah oo dalalkooda
denbiilayaal ah kuwaasoo uu sheegey inay ku dhuumaaleysanayaan
Soomaaliya waa siduu wareysiga ku sheegaye.
Maxamaed
Dheere.ayaa wax kama jiraan ku sheegey hadalo ka soo yeerey Xarakada
Shabaabul Mujaahiddiin oo sheegayay in ay la wareegeen Gurigiisa oo ku
yaala dhinaca bari ee Magaalada Muqdisho.s
Maxamed
dheere ayaa sheegey inuusan jirin guri lagala wareegay haatana uu ku
sugan yahay gurigiisa isagoo la yaab ku tilmaamay qabsashada gurigiisa
waxa macna ah oo ay samayn karto waa siduu hadalka u yiriye.
Guddoomiyihii
hore ee Maamulka gobolka banaadir ayaa ka codsaday kooxaha dagaalka
wada inay joojiyaan dagaalka ummadan daalana ay ka daayaan duqeymaha iyo
dagaalada ay ka hurinayaan gudaha magaalada Muqdisho.
Tan
iyo markii ay dagaaladan dib uga soo cusboonaadeen magalaada mqdisho
horraantii bishan barakaysan ee Ramadaan ayuu Maxamed Dheere marii u
horreeyey ka hadlay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho oo uu ku
tilmaamay inay yihiin kuwo micno darra ah oo aan wax natiija ah laga
gaarin.
Si
kasta ha ahaatee Guddoomiyihii hore ee Maamulka gobolka banaadir ayaa
ka mid ahaa hoggaamiyaashii ku ad adkaa la dagaalanka Kooxaha ka soo
hor jeeda dawladda gaar ahaana xilligii uu guddoomiyha ka ahaa gobolka
Banaadir .