Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo si cad uga horyimid hadal ka soo yeeray Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool

$
0
0

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu ku sheegay in ciidamada AMISOM si dhaqo ah loo geyn doono gobolada Bay iyo Bakool, wuxuuna soo dhaweeyay la wareegista ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Ra’isul wasaare C/weli Gaas ayaa wuxuu sheegay in sababta loo geynayo ciidamada Midowga Afrika labadan gobol ay tahay sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka, sidoo kalena ay maamulada goboladaas u gudan lahaayeen waajibaadkooda, wuxuua ka horyimid hadal dhawaan ka soo yeeray xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG, gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo sheegay in deegaanadooda aan la geyn Karin ciidamada AMISOM.
“Waxaan soo dhaweynaynaa qabsashada ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya qabsadeen degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool, arrintan waxay caddeyn u tahay labo arrimood oo kala ah in dowladda KMG ay ka go’an tahay inay gacanta ku dhigto dhammaan gobolada dalka iyo inay wiiqantay awooddii Al-shabaab” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas.
Si kasta oo ay ahaataba si rasmi ah looma oga sida ay isku waafaqi karaan hadalka ka soo yeeray Ra’isul wasaare Gaas iyo hadalkii dhawaan ka soo yeeray Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo sheegay inaysan raali ka aheyn in ciidamada AMISOM la geeyo goboladaasi, iyadoo dalbaday in ciidamada Itoobiya loo daayo gacan ku heynta labadaasi gobol ciidamada Itoobiya oo ay sheegeen inay ka tayo wanaagsanyihiin kuwa AMISOM ee la doonayo in la geeyo Baydhabo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>