Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo Jaamacadda carabta C/laahi Xasan Maxamuud oo ka hadlayey waxqabad la’aanta dowladaha carabta ee ku aadan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladaha carabtu ay indhaha ka fiirsadeen dhibaatooyinkii ka taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan abaarihii ka dhacay dalka.
“Dowladaha carabta qaarkood waxbay tareen Soomaaliya, qaarkoodna way eeganayeen dhibaatadii ka taagenyd Soomaaliya, waxayna amar ka sugayeen Mareykanka oo ay ka baqayeen inuu ku yiraahdo ha faragelinina arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri C/laahi Xasan.
“Hogaamiyaashii Soomaadilada soo maray oo dhan oo uu ugu dambeeyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay la kulmeen Madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray ee Masar Maxamed Xuseni Mubaarak markii ay dhibaatadu ka taagnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan Sheekh Shariif waxa uu ka codsaday in maadaama ay Masar tahay hooyada carabta uu Xusni Mubaarak u istaago sidii ay kaalmo dhab ah ugu fidin lahaayeen shacabka Soomnaaliyeed, laakiin warkiisa wax muhiimad ah ma siinin, isagoo fulinaya amaro uga yimid dowladda Mareyanka” ayuu yiri markale C/laahi Xasan oo wareysi siiyey Wargeys ka soo baxa dalka Masar.
“Aniga qudheyda dhowr jeer ayaan kala hadlay arrimaha Soomaaliya madaxda dowladaha carabta qaarkood, laakiin wax muhiimad ah ma aysan siinin arrimaha Soomaaliya, waxayna ka doorbideen inay daba socdaan Mareykanka, wixii uu yiraahda ay fuliyaan” ayuu yiri markale C/laahi Xasan oo intaasi ku daray in dowladaha carabta qaarkood uu Mareykanku ku yiri isaga fogaada dhibaatada ka jirta Soomaaliya.
Dhinaca kale danjire C/laahi Xasan waxa uu ku eedeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay inay xadaan gargaarka binni’aadannimo ee Soomaaliya loogu talogalay, wuxuuna intaasi ku daray in shirkii dhawaan loo qabtay Soomaalidu ahaa mid aysan ka marneyn dano gaar ah, balse aysan aheyn jecel loo qabo Soomaalida, isagoo xusay in dowladihii shirkii London horboodayey ay yihiin kuwo dano gaar ah ka leh Soomaalida sida iyagoo doonaya inay la baxaan shidaalka, Macdanka iyo kheryraadka kale ee ku jira dalka Soomaaliya.
↧
Safiirka Jaamacada Carbta, C/laahi Xasan Maxamuud oo eedeeyey Qaramada Midoobay
↧