Xarakada Al Shabaab oo dagaalo ka wado Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay xalay dagaalo ay kula gashay Ciidamadda Maamulka Gobolka Hiiraan, oo uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha Soomaaliya.
Dagaalada ayaa waxay xalay ka dhaceen Xaafadda Buundo Weyn, waxayna dagaaladu ahaayeen kuwo ku bilowday qoriga Sabanka loo-yaqaano, oo ay dagaaladaasi ku daah fureyn Xoogaga Al Shabaab.
Dagaalada oo soconaayay muddo ku dhaw 25 daqiiqadood oo xiriir ah, ayaa waxay labada dhinac ahaayeen kuwo si kulul ugu dagaalama Xaafadda Buundo Weyn ee Bariga Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa la-xaqiijiyay in dagaaladaan ay ku dhinteen laba askari, oo labada dhinac ah, iyadoo ilaa shan kalna ay ka soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, mana jirto wax khasaaaro ah oo dagaaladaasi ka soo gaaray shacabka reer Baladweyne.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay goobtaasi isaga baxsadeen, kadib markii ay iska caabin kulul kala kulmeyn Ciidamadda Maamulka Gobolka Hiiraan.
Dagaalada ka dhacay Magaaladda Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay imaanayaan xilli ammaanka Magaaladda Baladweyne uu maal-mihii ugu dambeysay ahaa mid aad u soo wanaag-sanaanaayo.
videosonna: