Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay garwadeen u yihiin kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sida wararka lagu helayo waxay dagaal kula wareegeen degmada Ceelbuur oo ka mid aheyd meelaha ay saldhigyada adag ku lahaayeen al Shabaab.
Xoogagii al Shabaab ayaa waxaa la sheegayaan inay magaalada bannaanka uga baxeen kadib markii ay ogaadeen in ciidamo Itoobiyaan ah oo dabaabaadkooda dagaalka wata ay ku soo fool-leeyihiin, wax dagaal ah oo sidaas u cuslusna magaalada kama dhicin.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa saldhig ka sameysatay duleedka magaalada halka ciidamadii Ahlu Sunna ee garwadeenka u ahaana ay gudaha magaalada ka bilaabeen hawlgal ammaanka iyo kala dambeynta lagu sugayo.
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay halkaas ka bilaabeen qabqabashada dadka ay ku tuhunsan yihiin inay taageeri jireen al Shabaab.
Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle Idmo.