Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al Shabaab oo sheegay inaan urur Jihaadi ah oo dambe aan Soomaaliya laga sameyn karin iyo warar sheegaya Urur Cusub oo ay furayaan Xubno al Shabaab ka tirsanaa

$
0
0

Afhayeenka al Shabaab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Ururkoodu uu si rasmi ah ula midoobay Al Qaacida hadda kadibna aan urur dambe oo Jihaadi ah Soomaaliya laga dhawaaqin karin.

Shiikh Cali Dheere wuxuu dhanka kale ka dhawaajiyay in cidii dooneysa inay jihaadka ka qeybqaadato ay Ururkooda haatan al Qaacida la midoobay ku soo biirto balse aysan cidna ka aqbali doonin inay urur iska furato waa siduu ku doodaye.

Hadalka Al Shabaab/Al Qaacida ka soo baxay ayaa waxaa la sheegayaa in uu digniin u yahay kooxo horleh oo ay ku jiraan xubno horay uga tirsanaa al Shabaab oo qorsheynaya inay ku dhowaaqaan urur ka madaxbanaan al AlShabaab balse ka barbar-dagaali doona.

Warar kale ayaa sheegaya in Urur diimeedka ay Soomaalidu u taqaan TAKFIIRKA ay haatan yagyeelayaan cudud ciidan oo dhinaca ku qabata al Shabaab balse ka fikir duwan oo aan meel wax ula wadin, taasina sida muuqata al Shabaabka uma cuntanto oo waxay ku dhawaaqeen inaan urur dambe Soomaaliya laga furan karin.

Ujeedada ka dambeysa urur furashadan al Shabaabku ka digayaan ayaa waxaa lagu tilmaamay inay ka dhalatay ku biiristii ay al Shabaabku ku biireen al Qaacida, ku biiristaas oo aan xubno badan oo al Shabaabka ka tirsanaa u cuntamin. 

Sidaas ha ahaato ama si kale ha ahaatee waxaa la sugayaan sida hanjabaadda al Shabaab ay u hakiso hamiyada urur furasho iyo kala firxadka xubnaha ka midka ah al Shabaab.

halgankanet@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>