GalGala:- Kooxdii dhalinyarada Marin Habaabisay ee Buuraha GalGala ku Dhuumanaysay ayaa Awoodii Hoos u dhacday ka dib markii ay dhawaan sheegeen inay la Midoobeen Kooxda Al-Shabaab ee Liiska Argagixisda Caalamiga ah ku Jirta.
Koox dhalinyaro ah ayaa ka soo Goostay Garabyadii ku dalaamayay Gacan ku haynta Degmada GalGala ee ka Tirsan G.Bari,
Awoodada ayaa Wiiqan tahay bay Dadku Leeyihiin Maalmahan mana Jiraan wax Ciidan ah oo Atam ka Amar qaata Kuwaasi oo Jooga Buuraha GalGala.
Reer Guuraaga ayaa ku soo waramaya inay Arkeen Dhalinyaro badan oo kus oo Biirtay Dhanka Pl kuwaasi oo Isu soo dhiibay Ciidamada Amaanka ee Maamulkaasi.
Dowlada Pl ayaa Horay u Shaacisay inay Dhabarka ka Jabisay Kooxdii Atam Hormuudka u ahaa ee doonaysay inay Deegaankaasi Qalalaase Shaati Dineed Loo Galiyay ay ka Abuuraan.
Guurtida Beelaha Sanaag, Hayland iyo Gobolka ayaa Cod Dheer ku Sheegay inaanay Metelin Kooxdaasi Qoriga Dabka ah la wareegaysa.
Gudiga dibu Dejinta shacabkii ka Barakacay Colaadii GalGala ayaa warbaahinta u sheegay in GalGala Dadkii ka qaxay la Tira Koobayo Laguna celinayo dhawaan.
Bahda GalGalanews
Dhahar- Hayland