Waxaa yaab ku noqotay dhegaha shacabka Somaliland ee gudaha iyo dibadaba kala jooga hadalkii uu wasiirka Xanaanada Xooluhu ku hadalay shay isagoo jawab uga dhigaya xukuumada iyo inuu wakiil ka yahay malaha Beesha uu ka soo jeedo.
Waxaa is waydiin leh Cabdi Aw Daahir iyo xubnaha kale ee ay isku beesha yihiin ma waxay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa kula heshiiyeen anagaa beesha ka masuul ah oo kaa caabiyayayna? Haday sidaas arintu tahay waa gar inay qofkasatab u jawaabaan, hase yeeshee shaqadii ay xukuumadu u dirtay meeday? Maxaad tolkaa ugu gurman wayday shalay halka aya masuuliyiintii xukuumadii hore(Waa SICIID SULUB IYO CALI WARAN CADE) ay goob joog ahaayeen adiguna aad qoor gabal dhacay aad baaq dirtay.Dr Gaboose iyo Siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ahi waxay xaq u leeyihiin dhaliisha iyo tilmaamida ama talo bixinta xukuumada.Sidaad u difaacday Madaxweynaha Dr ku umuu hadalin waxan kamuu sheegin Madaxweynaha. Adiga Xoolaha ayaa laguu diray ee orod oo daryeel u samee soon kormeer xaaladaha reeruhu ku soo haydeen.Masuuliyiinta qaarkood waxay caadaysteen inay ka hortagaan siyaasiga ay isku beesha yihiin taasin waa iska horkeen beeleed xukuumada sideed ha loo caabiyo ceebahan hayska ilaa liso hadaanay adkaysi u lahayn mucaaradka ay caban tahay ,hana ogaato mucaaradku waa kii shalay aad ahayd ee aad Idaacadaha u samaysateen.C/LAHI CUKUSE Waxaan u sheegayaa Dr ku heshiis ayuu la galay Axmed Siilaanyo han kii siin uu gaadhay kamuu mid ahayn Xisbiga Kulmiye . Siyaasadun Xaasiib Malaha ee han bay leedaha,(the policy hasn’t got a friend but they have an interest) adigun Framekaa iskaga jir oo muraayadaad sheetay iska daawo, waxaa tahay ninkii Suldaan Maxamed SuldaanC/qaadir u jawaabay. Waxa Madaxweynuhu kuu sheegan shacabka u akhri. Waxaan erya odhanayaa Cabdi aw daahir hadaad garan wayday ninkaad isku professional tihiin is ilaashda waa aqoon taa dhanka kalena Dr Gaboose had iyo jeer wuxuu yidhaadaa markuu xusayao madaxweynaha Odaygu ixtiraam iyo sharaf ayuu iga mudan yahay weilgii deel qaaf kumuu odhan ee adigu hadal kaaga sumada ku dhigo oday masuul aha baa tahaye.
Ugu dambayntii xukuumada iyo Madax weynaha ha la kal saaro oo marka xukuumada lala hadalo yaan madaxweynaha la gaadhin
Afhayeenka Ururka Ummada ee Sout yorkshire
Mataan Maxamuud Cumar
mataan@hotmail.co.uk
Sheffield.
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
↧
YAABAYE MA YAABTEEN By: Mataan Maxamuud Cumar
↧