Muqdisho (RBC) Saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Dayniile halkaasoo ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM fariisimo kaga qabsadeen.
Sheekh Maxamed Xasan Abuu C/raxmaan oo ah sarkaalka Shabaab ugu xilsaaran gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.
Wuxuu sheegay in labo baabuur ay kaga gubeen AMISOM hal baabuurna ay ka qabsadeen kuwa DKMG ah, siduu sheegay taasoo afhayeenka AMISOM uu beeniyey.
Dhanka kale weerar rogaal celis ayaa caawa fiidkii waxaa soo qaaday ciidamada Al-Shabaab, waxana wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya degmada Dayniile ay sheegayaan in Shabaabka ay caawa dib ugu soo laabteen isbitaalka degmada Dayniile oo maanta ciidamada ka qabsadeen.
Duqeymo culus iyo rasaasta qoryaha waaweyn ayaa caawa fiidkii laga maqlayey deegaanada ku dhow Dayniile iyo xeradii hore ee Asluubta oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo DKMG Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada DKMG ayaa maanta sheegay in dagaalku uu sii socon doono illaa ay ka gaaraan degmada Afgooye, waxaana aad looga cabsi qabaa in dagaalada ay sii socdaan maalmaha soo socda iyadoo dad fara badan oo ka mid ah kuwii horey uga barakacay magaalada ay weli daadsan yihiin duleedka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
RBC Radio
↧
Shabaab oo Dagaalkii Dayniile ka Warbixiyey iyo Weerar Rogaal Celis ah oo ay Caawa soo Qaadeen (Faahfaahin)
↧