Dagaalyahanada xarakada Al shabaab ayaa maanta dib ula wareegay gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo maalmo ka hor lagala wareegay.
Kadib dagaal gaadmo ah oo ay dagaalyahanada Al shabaab ku qaadeen degmada Maxaas ayaa waxay kula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.
Dad kusugan degmada Maxaas oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyey in magaalada laga saaray Ciidamada Ahlusunna isla markaana ay la wareegeen Al shabaab.
Dagaalyahanada Al shabaab ayaa saaka weerar gaadmo ah ku qaaday degmada Maxaas, waxayna ka qabsadeen Ciidamada Ahlusunna oo magaalada soo maamulaayey labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Ciidamadii Ahlusunna ee laga saaray degmada Maxaas ayaa kusugan duleedka degmada Maxaas waxayna halkaasi ka wadaan abaabul dagaal.
Guddoomiyaha Ahlusunna ee gobolka Hiiraan Aadan Cabdulle Cawaale ayaa xaqiijiyey in dagaal gaadmo ah magaalada looga qabsaday, hase yeeshee ay dib u qabsan doonaan.
Ilaa iyo hadda wax faah faahin ah kama soo bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Degmada Maxaas waxaa dhowaan la wareegay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlusunna Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in ay magaalada ku wareejiyeen kuwa Ahlusunna oo ay ka qabsadeen Al shabaab.
↧
Ciidamada Al Shabaab oo Dib Ula Wareegay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
↧