Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jira ayaa ku dhinta dagaallo iyo duqeymo illaa xalay ka socday duleedka Muqdisho iyo degmada Dayniile, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.
Khasaaraha shacabka ayaa waxay ka dhasheen madaafiic ku dhacday deegannada loo barakacay, iyadoo sidoo kale uu dagaal ka qarxay degmada Dayniile sababay dhimashada ugu yaraan shan ruux oo dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ka mid ah.
Saraakiisha ciidamada DKMG ah ayaa sheegay in saakay ay howlgallo ka socdaan duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ka taliso Al-shabaab, waxaana lagu arkayay jidka isku xira afgooye iyo Muqdisho oo xiran gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo ay kua jiraan taangiyo.
Inkastoo dagaalka xooggiisa uu ka socdo degmada Dayniile ayaa haddana waxaana deegaannada loo barakacay ku dhacaya madaafiic culus oo ay tuurayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah, iyadoo dadkii ku noolaa deegaanada ay u firxadeen dhinaca dhinaca degmada Afgooye.
“Duqeymuhu xalay oo dhan way socdeen, ma aanan seexan. Illaa shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeymahan,” ayay tiri Naciimo Maxamed oo ka mid ah dadka daggan duleedka Muqdisho, taasoo sheegtay inay garan la’yihiin meel ay u barakacaan.
Xoogaga ka tirsan Al-shabaab ayaa lasoo dhoobay deegaanka KM-13 ee Muqdisho, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen inay iska difaacayaan weerarrada kaga imaanaya dhinaca dowladda, inkastoo aysan weli ka hadln dagaalka saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii hore waxaa Muqdisho ku dagaalamayay ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Al-shabaab, iyadoo toddobaadyo ka hor ay dowladda iyo AMISOM Sheegeen inay xaqiijiyeen gacan ku haynta Muqdisho ayna dagaallada u wareejinayaan duleedyada Muqdisho.
Source-Hol
↧
Dagaal iyo duqeymo khasaare geystay oo xalay iyo maanta ka socda degmada Dayniile iyo Duleedka Magaalada Muqdisho
↧