Salaadiin ka kala socotay gobolka Togdheer iyo Buuhoodle oo shir dhowr maalmood socday ugu dhammaaday degaanka xadh-xadhka ee u dhexeeya Coodinle iyo Buuhoodle ayaa go'aano soo saaray.
Salaadiinta ka qayb gashay shirkaas waxaa ka mid ah Suldan Said Osman
Ali oo ka mi ah isimada ka socday Buuhoodle Khadka telefoonka ayuu
suldaanku ugu warramay Abdinur S Moh'd oo waydiiyey ujeedadii shirka ay u
qabteen iyo wixii go'aanno ay gaareen ?
Dhinca kale Salaadiinta dhinaca Burco ka
socotay, waxaa ka mid ah Suldaan mohamoud Xaaji xuseen oo markii ay
Burco dib ugu noqdeen u waramay wariyaha BBCda X JJ Xgar oo marka hore
waydiiyey shirka xadhadhka ee ay cuqasha intaas le'eg ka qayb galeen
sababta looga dhigay shir qarsoodi ah?