Ururka Alshabaab ee ka arimiya inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa amar dul dhigay ganacsatada ku gacansatada gobolada Bay iyo Bakool.
Shiikh Cabdiraxmaan Mire Mataan, taliyaha ciidamada Alshabaab ee Bay iyo Bakool oo warfidyeenada la hadlay ayaa sheegay in ay mamnuuceen ka ganacsiga iyo isticmaalida waxyaabaha qarxa ee Baaruuda loo yaqaan, carruurtuna ay ku ciyaaraan xiliyada Farxada.
Baaruuda iyo bug-bacda Carruurtu ku ciyaarto ganacsataduna lacagaha badan ka sameeyaan ayuu Shiikhu sheegay in ay ka mamnuuceen Bay iyo Bakool maadaama sida uu sheegay ay qaraxyadani ka argagixiyaan dadka.
Amarkan cidii ulin weysa ayuu Taliyuhu ugu hanjabay in talaabo laga qaadi doono, carruurtana wuxuu sidoo kale kula taliyay in ay ka fogaadaan adeegsiga waxyaabahan naxdin ku abuura dadka.