London-hobyonet)Shir la doonayo in lagu mideeyo beelaha walalaalaha ah ee wada dega gobolka Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxa uu shalay ka dhacay Magaalada London ee Dalka Inigriiska iyadoo shirkaasina loo soo agaasimay si wanaagsan
Shirkan oo mudo dheer socday ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay isku afgarteen ergooyinkii shirka,
Ergooyinka oo ka kala yimid dhamaan wadamada Europe ee ay ku noolyihiin dadka ka soo jeeda beesha ayaa waxay shirka ka soo sareen qodobo muhiim u ah deeeganada ay besshu degto.
Ka soo qeyb galayaashu waxay hoosta ka xariiqeen, in shirkaani uu buddhig u noqdo dib u heshiin dhab ah oo laga dhex sameeyo laguna xaliyo Khilaafaadka fara ku tiriska ah ee beesha dhex yaala iyo in ay beeshu dib u heshiin iyo wadahadal nabadeed la gasho dhamaan beelaha kale ee walaalaha ah ee la degan Gobolada Dhexe, dib u heshiintaas oo ah mid ku dhisan kalsooni, ixtiraam, qaderin walaalnimo iyo deris wanaag.
Waxaay wufuudaani isku raaceen in nabada ixtiraamku iyo is qadarintu ay tahay wadada keliya ee beesha iyo dadka la degani ay ku gaari karaan nabad iyo horumar taam ah.
Ergooyinka waxa ay isku raaceen in ujeedada shirkaani uusan ahayn loolan ama u suxulduub siyaasadeed, balse uu yhay shir lagu midaynayo beesha noqdana shir u gogol xaadha in beeshu yeelato shirwayne loo dhanyahay laguna qabandoono Xamar iyo Gobolada Dhexe.
Ka qeyb galayaasha Shirka ayaa waxay isla ogolaadeen, in waxgaradka beesha oo ka kooban Qurba jooga iyo waxgaradka gudaha ay booqdaan dhamaan deeganada beeshu degto, kana dhaadhiciyaan dadka deegaanka midnimada iyo nabadaynta dhamaan deeganada Gobolada Dhexe, iyo in la Abburo gole dhaqan oo loo maro nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka dhamaan beelaha wada dega Gobolda Dhexe.
Ergooyinka Shirku waxay is ku raaceen, in gogol wadahadal loogu yeero Qurbajooga kale ee ka soo jeeda dadka walaalaha ee beesha la degan gobolada dhexe, kadibna googoshaasi lagu doorto gole ka kooban 125 xubnood oo matala Midowga Qurbajooga Europe ee ka soo jeeda Gobalada Mudug, Galguduud iyo Hiiraan.
Golaha midowga qurbajooga Europe waxaa ay ka qayb qaadan doonaa xal u helida qilaafadka, nabadaynta iyo midaynta dhamaan beelaha walalaha ah ee dega Goblada Dhexe.
Masuuliyiinta kulanka ka soo qeyb gashay waxay isla garteen in Waqooyiga America, Kenya, koonfur Afrika, Dubai iyo wadamada kale ee jaaliyada beeshu ku noolyihhin laga sameeyo golayaal u dhigma gola Midnimada Europe, si ay isula jaanqaadan golaha Europe samaysandoonto, loogana miro dhaliyo hindisaha midaynta iyo nabadaynta Gobolada Dhexe.
Xubnaha shirka soo agaasimay waxaa ka mid ahaa, hogaanka dhaqanka ee Beesha, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Haweenka, xubnaha shirka ka hadlayna waxaa ka mid ahaa.
1) Ugaas c/laahi cabdi’’Aruuriye’’
2) Axmed Xaaji Maxamed’’ Axyaa Wadani’’
3) Caaqil Xasan Cilmi Kaarshe’
4) Imaam Bashiir Salaad Yuusuf’’ Dhoolayare’’
5) Caaqil Maxamed Xasan’’ Shiikhaal’’
6) Suldaan C/qadir Axmed’’ Yuusuf Kaariye’’
7) A/casiis Cabdi Ashkir,
Cabdi Xaashi Aaqiro’’
9) Salaad Cusmaan Rooble,
10)Garaad Ibraahim Sabriye’’ Gaadale’’
11)Maxamed Aden Guuleed’’ Caanageel’’
12)Shire Moxamed Geedi.
13) Axmed Qayre Ingiriis’’
14)C/laahi Faarah Qaarey’’
15) Cornel Cumar saleybaan Cali’’
16)Axmed Warsame Abtidoon’’
17) Moxamed C/dulahi Jimcaale’’
18) C/raxmaan Gentleman’’
19) Caaqil Axmed Cali baale’’
20) Xaashi Faarax Xayle’’ Maxamed Ciise
21) Saciid Xasan Ereg’’
22) Dahabo xaaji jaaburi’’
23) Shukri nuursalah ‘’
24) Xaawo Xasan’’
25)Xuseen Diiriye Afrah ‘’
26) Shukri maxame Jamac’’
27) Iyo Qadro Axmed
Www.hobyonet.com
↧
Shir Balaaran oo lagu mideynayo Beelaha dega Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan oo ka dhacay London
↧