Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu kullan balaaran uu la-qaatay Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beelaha laga tirada badan yahay.
Madaxweynaha oo kullankaan soo qaban qaabiyay ayaa wuxuu ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, isla-markaana Madaxweynaha ayaa wuxuu Beesha Shanaad oo iyadu Beesha Haafka ah lagu tiriyo, ayaa wuxuu uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Mowliid Macaani.
Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in Beesha Shanaad ay tahay tahay beel weyn oo ay iskugu taggeen beelo badan, kuwaa oo uu sheegay inay iyagu yihiin dad nabadda jacel, kana soo horjeeda xumaha oo dhan, sida uu sheegay.
Madaxweynaha oo ammaan u jeedinaayay Beesha Shanaad ayaa wuxuu sheegay inay saaxiib mar walba u yihiin ammaanka iyo kala dambeynta, wuxuuna sheegay inay weligood ka soo horjeedeen falalka ammaan daro.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu u soo bandhigay in Beesha Shaanad ay kaalin weyn ka qaadato Dastuur loo-sameynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, maadaama uu iyagana uu quseynaayo, sida uu sheegay.
Iskusoo wada-duuboo Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Shanaad ee kullanka la-qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxay sheegeen inay aqbaleyn hadalka ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed.
↧
Madaxweynaha Soomaaliya oo kullan balaaran la-qaatay Beelaha laga tirada badan yahay
↧