Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Sheekh C/Qaadir Cali “In dalkeena lagu soo duullo oo nalagu dul socdo miyaan Soomaaliyeey u dul-qaadanaa”

$
0
0

Sheekh C/Qaadir Cali ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan marnaba u dul-qaadan kareyn in dalka Soomaaliya lagu soo duullo, dadka Soomaaliyeedna la-gumeysto, isagoona sheegay in taasi ay dagaalo oo kaliya ay ka xiggaan.
Sheekh C/Qaadir Cali oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool, oo shalay ka hadlay isku soo bax balaaran oo lagu taageeraayay Xarakada Al Shabaab oo ka dhacay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalo oo kaliya, sida uu sheegay.
Sheekh C/Qaadir ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya lagu soo duullay, lana doonaayo in dadka Soomaaliyeed la-gelliyo gumeysi cusub, isla-markaana wuxuu dadka Soomaaliyeed uu weydiiyay in sidaasi ay u dul-qaadanayaan iyo in kale.
“In dalkeena lagu soo duullo oo nalagu dul socdo miyaan Soomaaliyeey u dul-qaadanaa, waxay ka dagaaami jireyn raggii hore ee Soomaaliyeed miyaan maanta anagu gacmaha ka laabanaa” ayuu yiri Sheekh C/Qaadir Muumin.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay cadahay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu soo duullay, isagoona sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay difaacdaan sharafkooda, dadnimadooda, dhulkooda iyo Diintooduba, waa sida uu hadalka u dhigay’e.
Sheekh C/Qaadir Muumin ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu yeeray inay taageeraan Xoogaga Shabaab, isagoona sheegay in Al Shabaab ay u taagan tahay badbaadinta dalka iyo dadka Somaliyeed, ayna taageeraan, sida uu ugu baaqay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>