Weeraro bambaano ayaa xalay lagu qaaday isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana weerarka bambaano xigay rasaas ay is-weydaarsadeen ciidamadii bambooyinka lagu weeraray iyo ciidamo la sheegay inay caawinayeen kooxihii bambooyinka ku weeraray fariisinka ay Isgoyska H/wadaag ku eeyihiin ciidamada dowadda KMG Soomaaliya.
Abaare 7:00-saac ee xalay ayaa waxaa mar qur ah Isgoyska Howlwaadg laga maqlay qaraxyo iyo rasaas la isweydaarsanayo, waxaana la sheegay in markii weerarka bambaano lagu qaaday fariisinka ay ciidamada dowadda KMG ku leeyihiin Isgoyska H/wadaag ayaa waxaa xigay rasaas muddo yar socotay oo ay ciidamadii la weeraray radayeen, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in rasaasta ay aheyd mid la is-weydaarsaday oo labo dhinac ka socotay.
Daqiiqado ka dib ayaa waxaa inta badan xaafadda Howlwadaag isku fidiyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo rasaas afarta jiho ay u ridayeen, waxayna dadka ku amreen inay guryahooda ku xaroodaan, isla markaasa albaabada isugu dhuftay goobihi ganacsiga ee ka agdhawaa halka uu weerarku ka dhacay.
Sida warku sheegayo ciidamada dowladda KMG ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha ku dhowdhow Isgoyska H/wadaag, lamana sheegin cid ay ku soo qabteen baaritaankaasi, warar kale ayaa waxay sheegayaan in xaalay bandow lagu soo rogay xaafadaha ka agdhow Isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay degmada Dayniile, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Xaradaka Al-shabaab oo iyagu weerarka ku qaaday fariisimo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda KMG, lamana sheegin khasaare ka dhashay dagaalkaasi ka dhacay degmada Dayniie.
↧
Weeraro iyo dagaal lagu qaaday xalay saldhigga Howlwadaag iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya
↧