Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi ay ku suganyihiin Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay Hargeysa u tageen inay Madaxdhaqameedka Somaliland kala hadlaan sidii ay u soo xulan lahaayeen xubno Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uga mid noqonaya.
Xildhibaanadan iyo xubnaha siyaasiyiinta ah ee hadda ku sugan magaaladda Hargeysa oo illaa hadda tiradooda aan la xaqiijin inta ay la’egtahay ayaa la sheegay inay u direen Madaxda sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya oo doonaya inay Baarlamaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso ka mid noqdaan, isla markaasna ka mid ah qorshaha Road Map-ka si Somaliland qeyb uga noqoto Baarlamaankaasi oo saami qeybsigiisa lagu saleeyay 4.5-ka.
Sida warku sheegayo Xildhibaanadan ka socda dowladda KMG ee ku sugan magaalada Hargeysa ayaa dhammaantood waxaa lagu sheegay kuwo taageersan qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee dowladda KMG, kuwaas oo kulamo kala duwan la qaatay madaxdhaqameedka Somaliland si ay ugu qanciyaan inay xubno ku darsadaan Baarlamaanka cusub ee soo socda.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Xidhibaanadan ka tirsan dowadd KMG iyo siyaasiyiintan dhammaantood ku sugan magaaada Hargeysa ay ka soo jeedaan beelaha Hawiye iyo Dir, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay diyaariyaan Xildhibaanada dowadda soo socota u meteli doona beelaha Dir, waxaana la sheegay in markii la ogaaday looga yeeray xarunta CID-da, halka warar kale ay sheegayaan in laga soo musaafurinayo magaalada Hargeysa.
Si kasta oo ay ahaataba illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga in xidhibaanadan iyo siyaasiyiintan ku sugan magaalada Hargeysa inay Xukuumadda maamulka Somaliland ogtahay iyo in kale, waxaana la sheegay in siyaasiyiinta la socota Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka KMG inay horay Wasiiro uga soo noqday Xukuumadihii KMG ee dalka Soomaaliya soo maray burburkii dalka ka dhacay ka dib.
↧
Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin Wasiiro horay uga soo noqday dowladda KMG oo magaalada Hargeysa u tagay sidii ay Somaliand uga dhaadhicin lahaayeen…
↧