Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ehelada Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Safaarada Turkiga Oo Ka Codsaday Dowladda KMG Ah In Soo Qabto Ninkii Dilay Wiilkooda

$
0
0

Muqdisho (RBC) Cali Sheekh Ibraahim Xasan oo la dhashay Yuusuf Sheikh Ibrahim Xassan oo madax ka ahaa shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Somaliya oo xaley fiidkii lagu toogtay ayaa sheegay in dilka walaalkiis uu yahay mid si ulakac ah loo geestay.
Wuxuu sheegay in uu dilay askari ka tirsan dowladda KMG ah oo ka shaqeeya KM4. kaa oo dhowr jeer inta uusan dilin u hanjabay,
Marxuumka la dilay ayaa waxa dilka u geestay Nin ku labisnaa Dareyska ciidamada Booliska DKMG ah, oo ku sugnaa fariisin ay ciidamadu ku leeyihiin agagaarka KM 4, sida ay u sheeegeyn RBC Radio goobjoogayaal ku sugnaa xilliga dilka uu dhacaayay.
Cali ayaa sheegay haddii aysan dowladda wax ka qaban oo aysan cadaalada horkeenin askariga falka geestay, in ay muuqaneyso in magaalada Muqdisho ay tahay meel aan ammaan ahayn, oo aan la isku haleyn karin.
Wuxuu yiri ” Annaga waxa aan codsan lahayn in dowladda ay soo xirto askarigaas dilka walaalkey u geestay waa la yaqanaa, ka dib xukun qisaas ah lagu fuliyo, haddii kale annaga waxa u arkeynaa in dowladda ay wax ka ogtahay qorshaha dilka” ayuu yiri Cali Sheekh oo la dhahay marxuumka la dilay.
Markii uu dilka dhacay, waxa goobta ka baxsaday askarigii dilka geestay, waxana goobta soo gaaray ciidamo badan, laakin wax ay qabteyn ayaa iska yer” sidaas waxa u sheegay RBC Radio qof diiday magaciisa in loo adeegsado saxaafadda goobta ku sugnaa xiliga uu dilka dhacaayay.
Ilaa hadda dowladda kama hadlin dilka loo geestay turjumaankii qaaska ahaa ee safiirka Turkiga Soomaaliya ee xaley la dilay, waxana ay arrintan dhaawaceysaa xiriirka labada wadan.
Turkiga waxuu kaalin libaax ah ka qaatay nabadda Soomaaliya, waxa ay caasimada ka hirgaliyeen mashaariic badan, waxana ay dalkooda geeyeyn ilaa 1,000 arday ah kuwaas oo ay u fidiyeen deeq wabrasho oo lacag la’aan. waxa kaloo dalka ay ka hirgaliyeen mashaariic badan. oo ay ka mid yihiin Isbitaalo, iskuulo lagu barto luuqda dalka Turkiga, iyo diyaarada Turkish Airline oo toddobaadkii duulimaad caalami ah ka sameesa Muqdisho.
Dhawaan ayaa safaaradda Turkiga Soomaaliya ee ku taala wadada KM4 magaalada Muqdisho waxa ammaankeeda lagu wareejiyay
ciidamo Boolis ah, ka dib markii ay ka tageyn ciidamo gaar ah oo ka soo jeeda dalka Turkiga.
Ma cadda sida ay uga jawaabi doonto dowladda KMG ah, dilka loogeestay Madaxii safaarada Turkiga ee Soomaaliya. dhowr jeer ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay dad xilal kala duwan haya, kuwaas oo ay dilaan rag kulabisan dareeska ciidamada dowladda KMG ah, waana ay yertahay cid arrimahaas dowladda ay u soo qabto.
RBC Radio
————————–
Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>