Muqdisho (RBC) Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay abaalmarin dhan 500 doollarka Maraykanka ah siinayso cidii soo qabata ama soo disha Al-Shabaab oo dagaallo xooggan kula jirta dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM.
” Qofkii soo sheega ama soo dila Al-Shabaab waxa ay dowladda siineysaa 5,00 oo doollar” sidaas waxa yiri duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo laga soo xigtay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Wuxuu sheegay duqa Muqdisho in Al-Shabaab ay hadda soo wajahday culeyso badan, sidaas daraadeena loo baahan yahay in lag faa’ideesto si aysan dadka ugu dhexdhuuman ayuu sheegay”
Wuxuu yiri ” Waan ognahay in madaxda Shabaab aysan soo aadin dagaalka ama magaalada, laakin amiirada Shabaab ee dagaalada soo gala ayaan madax qof kasta oo Shabaab ka tirsan waxa lagu bixin doonaa abaalmarin gaareysa 5,00 oo dollarka Maraykanka.
Waa markii ugu horeysay ee dowladda KMG ah shaaciso in ay lacago ku bixineyso qofkii soo sheega ama soo dila Shabaab dad ka tirsan, waxaase su’aasha la isweydiin karo ay tahay siddee lagu xaqiijin karaa in dadka la soo qabto ama la soo dilo ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waayo waxa dhacda mararka qaar in dad badan oo la dilay in ay lagu qaldo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Al-Shabaab waxa hadda ku furan culeys dhinacyo badan,wixii ka dambeeyay markii ay ka baxeyn caasimada Soomaaliya bishii August ee sanadkii hore waxa gacantooda ka baday gobalo badan oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
RBC Radio
——————–
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
DKMG ah : Abaalmarin $5,00 Ayaa La Siinayaa Qofkii Al-Shabab Soo Dila Ama Soo Qabta
↧