Saxmad ciidan oo xoog leh ayaa waxaa maanta laga dareymayaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo xoogan ay ka dhacaan daafaha Degmada Afmadow.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya, ayaa waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo buuran ay ka wadaan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan daafaha Degmada Afmadow ayaa waxay ku doonayaan in Xarakada Al Shabaab ay ugala wareegaan Degmada Afmadow, isla-markaana waxay ku goodiyeen inay weeraradaan yihiin kuwii ay ku qabsan lahaayeen Degmada Afmadow.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxay sheegeen inay dhameystireyn qorshihii ay ku qabsan lahaayeen Degmada Afmadow, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay inay gacanta ku dhiggaan Degmada Afmadow maal-maha dhaw dhaw.
Marka laga soo taggo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Kenya ay ka wadaan daafaha Degmada Afmadow, ayaa waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Xoogaga Shabaab ka wadaan gudaha Degmada Afmadow iyo Deegaanada kale ee ku dhaw dhaw.
Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda ee maanta ka soconaaya Degmada Afmadow, ayaa waxay baqdin xoog leh ay ku beereyn shacabka ku dhaqan Deegaanadaasi, kuwaasoo bilaabay inay barakac sameeyaan.
↧
Saxmad milatari oo xoog leh oo maanta ka taagan aafafka Degmada Afmadow iyo dagaalo laga cabsi qabo
↧