Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Kenya 7 ceel shidaal ka qodoneysa badda la sheegay in somalia leedahay iyo dowladda kmg ah oo wax ka tiri

$
0
0

Dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa
haatan shaacisay inay ceelal shidaal ah oo gaaray 7-ceel ay ka qodeyso
gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Kenya bilo ka hor ku dhawaaqday in
laga baarayo shidaal, isla markaasna qandaraas shidaal baaris ah u
saxiixday shirkadaha kala ah Total iyo Anadarko oo Maraykan ah ayaa
haatan waxay sheegtay Kenya in ceelalkaasi ay ku yaalaan gudaha xuduudda
Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Jubbooyinka.
Kenya ayaa sheeganaysa dhul baaxad leh oo ka tirsan xeebaha Jubbooyinka,
taasina loo malaynayo inay tahay sababta ugu weyn ee keentay in Kenya
ay ciidamadeeda soo geliso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, isla
markaasina ay dabada uga riixeyso maamul iyada ay soo dhisata oo
goboladaasi ka hergala.
Sargaal u hadlay wakaaladda batroolka Kenya oo lagu magacaabo Martin
Heya ayaa sheegay in Kenya ay rumeysantahay in dhulkaasi ay iyada
leedahay, isla markaasi Qaramada Midoobay ay u ansixin doonto Kenya,
haatan uu dhulkaasi ka socdo qodista ceelal shidaal ah oo ay wadaan
shirkado laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Norwey.
Sida warku sheegayo dowladda Ingririiska oo iyana loo saxiixay inay
hormuud ka noqoto arrimaha Soomaaliya ayaa ka mid ah dowladaha sida
gaarka ah ugu lugta leh gacan ka geysashada waax ka mid ah badda
Soomaaliya oo si ka badelan sidii hore loogu wareejinayo Kenya, waxaana
xusid mudan in heshiiskii London qodob ka mid ah uu dhigayo in soohdin
loo xariiqo badda Soomaaliyeed, halka qodob kalena uu dhigayey in
dowladda KMG u badelaya dowlad rasmi ah oo dhulka Jubbooyinka u saxiixi
karta Kenya iyo cid kasta oo shidaal ka baaraneysa.
Dadka siyaasadda u dhuundaloola waxay odorosayaan in la isku beegayo
xuduudda badeena oo la yareeyo, dowlad magac u yeel ah sida dowldda KMG
oo kale, laakiin markan la sheegayo in dowlad rigli ah loo sameeyo
Soomaaliya, Baarlamaan iyo dastuur awood leh loo sameeyo si badda Kenya
loo balaariyo, in arrinkaasi qeybaha kore laga sixiixo inay dhulbadeedka
si sharci ah ugu wareejiyaan Kenya, ka dibna ay qalinka ay ku duugto
Qaramada Midoobay, kaas oo si deg deg ah haatan loo horgeynayo.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi
Sheekh Xasan oo arrinkan ka hadlay ayaa sheegay in arrintan ku saabsan
soohdinta badda labada dale ee Soomaaliya iyo Kenya ay ugu dambeyn
horseedi karto dagaal labada dal dhexmara, wuxuuna ugu baaqay Kenya iyo
dowladaha kale ee ku howlan inay inay ceelal shidaal ah ka qodaan dhulka
Soomalida inay ka joogaan si uusan dhib uga dhexdhcin labada dal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>