Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al-Shabaab oo si maldahan uga jawaabtay hadalka Xasan Dahir, dalbatayna in cadeyn la timaado cida leh Hubka

$
0
0

Kooxda Al-Shabaab ayaa si maldahan uga hadashay hadal ka soo yeeray Xasan Dahir, kaas oo ahaa in hub ku qarsanaa deegaanka Siinka Dheer ay la wareegeen sabab la’aan, kuna tilmaameen hub uu cadawga lahaa.
Afhayeenka dhanka ciidamada ee Al-Shabaab Abuu Muscab ayaa sheegay in hubka uu ahaa mid ay ka soo dhex saareen god weyn oo guri ku dhex yaalay, isla markaana hubka ahaa mid aad u ballaarnaa.
“Hubka waxay mujaahidiinta ka soo heleen god guri weyn ku dhex yaalay, waxaan ka soo qaadna meesha, waxaan keenay meel ammaan ah, hubka waxaa ka mid ahaa rasaas fara badan, dareyska ciidamada, hubka fud fudud iyo gantaalada garbaha laga rido”ayuu yiri Abuu Muscab.
Waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay hubkaas ku wareejiyaan cid kasta oo cadeyn la timaada, ayna ku kala baxaan shareecada islaamka sida uu yiri.
“Anaga waxaa diyaar u nahay inaan ku wareejino hubka cid kasta oo sheegata milkiyadeeda, shareecada Islaamka ayaa ku kala baxeynaa”ayuu yiri Abuu Muscab.
Hadal heyn badan ayaa ka jirtay hubka ku qarsanaa deegaanka Siinka Dheer oo Al-Shabaab maalmo ka hor soo faagtay, dabadeedna ku tilmaamtay inuu ahaa hubkii ugu ballaarnaa ee ay helaan.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>