C/laahi Xasan Bariise
Muqdisho (RBC) DKMG ah Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay seddax qof oo miino ku aasayay xaafadda KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha hogaanka baarista dembiyada ee CID Korneel Cabudulaahi Xasan Bariise oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in seddaxda qof ay dhaawacan yihiin, kuwaas oo ay ku qaraxday markii miinada ay dhigaayeen ka xumaatay.
Wuxuu sheegay in ay ka tirsan Al-Shabaab, haddana baaritaan lagu hayo,laakin la geeyay isbitaalka AMISOM ee xalane halkaas oo dhaawacooda lagu daweynaayo.
Wuxuu sheegay, in dhowr goor sidan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay dad miino dhigaayay, laakin markii dambe ay iyaga la qaraxday, wuxuu sheegay in ay dadka soo sheegeyn kooxdan sedaxda ah ee miinada galinaaya xaafad ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba, degmada Hodan oo ka mid ah degmooyinka dhawaan gacanta dowladda soo gashay, ayaa waxa ay hadda noqotay degmo aad loo soo camiray, oo waxa ku nool dad badan waxana ka jira ganasiyo badan, waxan sidaas oo ay tahay ka dhaca degmadaas dialal iyo qaraxyo.
Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxa maanta lagu soo bandhigay meydka nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaayeen Al-Shabaab kaa oo la sheegay in uu ku dhintay miino uu ku aasayay xaafada KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho
Taliyaha Nabad Sugida gobalka Banaadir Qaliif Axmed Erig oo saxaafadda maanta u soo bandhigay ninka dhintay iyo nin kale oo dhawaac ah oo la socday iyo hub ay sheegayn in dadkan lagu soo qabtay howlgal ciidamada dowladda.
Wuxuu sheegay in howlgalada magaalada Muqdisho ay ka sameenayaan ciidamada dowladda uu guuleestay, waayo 27-qof ayaa hadda la qabtay oo ka tirsan Al-Shabaab.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
C/laahi Xasan Bariise: Waxa Aan Heynaa Seddax Qof Oo Ku Dhaawacmay Miino Ay Aasayeen”
↧