Muqdsiho-hobyonet)Hay’adda Nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wiil dhallinyaro ah oo ay sheegeen inay ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen wiil dhallinyaro ah oo ay saxaafadda u soo bandhigeen kaasi oo sida uu sheegay Khaliif Ereg ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ee gobalka Banaadir.Taliyaha Hay’adda nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in wiilka laga soo qabtay xaafada KPP ee degmada hodan halkaasina sida uu sheegay ay ku aasayeen waxyaabaha qarxa halka mid ka mid ah uu ku geeriyooday qarxaasi.
Wuxuu sidoo kale carabaabay Khaliif Axmed Ereg in maalmahan dambe ay balaariyeen howlgaladooda islamarkaana xalay markii uu dhacay qaraxa durba ay u suura gashay in ciidamada Hay’adda Nabad Sugida ay gaaraan goobta qaraxa uu ka dhacay taasna ay u suura galisay in ay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah dhallinyaradii miinada aasayay halka mid kalena ay ku qaraxday miinada uuna halkaasi ku geeriyooday.
Wiilka lasoo bandhigay oo magaciisa ku sheegay Khaliif oo isna lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu soo qalday waxyaabahan qarxa islamarkaana sida uu sheegay la siiyay lacag gaaraysa ilaa $5 kadibna loo sheegay inuu fuliyo howsha loo diray.
Xalay ayey aheyd markii dhallinyaro miino ku aasayeen xaafada KPP ee Degmada Hodan ay kula qaraxdayhalkaasimiinada islamarkaana uu ku geeriyooday mid ka mid ah dhalinyaradii miinada aasayay sida ay sheegeen taliska hay’adda Nabad sugidda.
Hay’adda nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa maalmahii dambe waxay si isdaba joog ah u soo bandhigaysay dhallinyaro ay sheegeen inay ku soo qab qabteen howlgalo islamarkaana ka tirsan Ururka Al-shabaab.Maalintii shalay ayaa Taliska Hay’adda nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya waxay soo bandhigeen gaari ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa sida ay sheegeena loo waday gobalada dhexe ee Dalka Soomaaliya.
↧
Wiil la sheegey inuu sitey walxaha qarxa oo la qabtey
↧