Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Waxagaradka Galmudug oo baaq Nabaddeed u diray Beello ku dagaalamay Degmada Xarardheere

$
0
0

Gaalkacyo-hobyonet)Iyadoo Maalin ka hor uu dagaal qasaare gaystay uu dhexmaray Beello wada daga magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayaa waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Beelaha Dirirtu u dhaxayso.
Waxgaradka Galmudug ayaa codkooda ku biiriyay baqyada loo jeedinayo Beelaha walaalaha ee dagaalku u dhexeeyo waxaana kulan ay Maanta Magalaada Gaalkacyo ku yeesheen ay kaga dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan Dirirta u dhaxaysa.
C/raxmaan Sheekh Cali oo ka hadlay Kulanka Waxgaradka Galmudug ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo waxa uu sheegay inay ka codsanayaan Beelaha Dagaalku u dhexeeyo inay si Sharuud la’aan ah ay ku joojiyaan xabadda islamarkaana ay Miiska wadahadalka iskugu yimaadaan si aan dagaal danbe u dhicin.
Dadkii kale ee ka hadlay kulanka ayaa si isku mid ah uga dalbaday Beelaha Walaalaha ah inay dagaalka u dhexeeya joojiyaan oo ay ka fogaadaan Dhiig qof muslim ah oo micno darro ku daata.
Sikastaba ha ahaatee Kulankan ayaa ku soo aadaya xili Xiisad Colaadeed ay ka taagan tahay Magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug halkaas oo Beello wada daga ay ku dagaalameen.
Burhaan C/laahi Xaashi
burhaan712@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>