Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Shariif “Ma Baarlamaan labo gudoomiye leh miyaan u xayirnaaneynaa, uma xayirnaaneyno mana la ogolaan karo”

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa si kulul u weeraray Baarlamaanka soomaaliya ee labada garab u kala qeybsan, isagoo cadeeyay in aan loo dulqaadin doonin kala qeybsanaantooda iyo fowdada ay wadaan ragg siyaasiyiin ah.
Hadal uu shalay Madaxweynaha ka jeediyay munaasabad ka dhaceysay xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo loogu dabaal dagayay maalinta ciidanka xooga dalka ayuu si xoogan uga hadlay arrimaha xilliga kala guurka iyo dastuurka.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa u muuqda mid quus ka muujiyay xalinta khilaafaadka Baarlamaanka, isagoo xusay in dadaalo lagu bixiyay in la mideeyo baarlamaanka ay suura geli weysay.
“Baarlamaan labo Gudoomiye leh maa u xayirnaaneynaa, uma xayirnaaneyno, waa inay ogolaadaan inuu is bedel dhaco si walba haku yimaadee, aniga iima muuqato, dadaal badana ku bixinay inuu Baarlamaanka midoobey waa suura geli weyday, horaa loo yiri Mudul ninkii dhisa ka weyn, Baarlamaanka waxaa dhisay ergo 350 ah, hadana 825-ergo ayaa soo dooraneysa, ma kuwaas ayaa juhalo ah”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in aanay aqbali doonin ragg siyaasiyiin ah oo idaacadaha ka hadlaya, inay si fowdo ah wax ku qabtaan, isagoo xusay inay diyaar u yihiin hadii wax siyaasad ku raadiyaan ay kursiga ugu kacaan.
Waxaa uu soo hadal qaaday arrinta dastuurka ee beryahan diidmada qayaxan ka soo yeereyso, isagoo xusay in dastuurka yahay mabaa’dii lagu heshiiyay, waxaana uu tilmaamay in marka hore si xor lagu diidayo, balse aan buuq iyo fowdo laga hor keenin inta aan la dhameystirin.
“Dastuurna ma ogolin, doorasho ma ogolin arrin caadi ma ahan, waa fowdada aan u dib ugu laabano, dowlada ma ogolaan karto dadka dano gaar ah leh inay is abaabulaan idaacadaha ka qeyliyaan shacabka in la jahwareeriyo ma ogolaaneyno, hadaad siyaasi tahay noo imow siyaasad wax ku qaado, hadaad Madaxweyne rabto, hadaan Ra’isul Wasaare rabto hadaam Gudoomiye baarlamaan rabto qaado”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha yahay in 42-sano kadib Muqdisho lagu qaban doono doorashada madaxtinimada, hase ahaatee aanay dadka u muuqan taas, balse la doonayo in dalka dib loo geliyo fowadadii 21-kii sano dalka ku jiray, ayna marna ogolaan doonin.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Shariif ayaa ku soo beegmaya iyadoo lagu wado in 15-ka bisha May la ansixiyo dastuurka qabyo qoraalka, iyadoo xildhibaanada baarlamaanka iyo ragg siyaasiyiin ay aad uga soo horjeedaan.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>