Nairobi-hobyonet)Wasiirka Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ay si wanaagsan u socoto howsha ay u hayso Bulshada.
Wasiirka Waxbarashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo maalmahan la isla dhexmarayay oo sheegaya in Wasiirka markii uu aaday dalka kenya ay joogsatay Shaqadii Wsaaaradda waxbarashada Galmudug,wuxuuna tilmamay inay si wanaagsan u wadaan howshii wasaaradda Wasiir ku xigeenka Waxbarashada,Agaasimaha Wasaaradda iyo shaqaalaha oo uu sheegay inaysan marnaba ka daalin Shaqadooda oo markasta ay diyaar u yihiin in bulshada ay si wanaagsan ugu adeegaan.
Burhaan Warsame Cigaal ayaa hadalkiisa raaciyay inuu howlo Shaqo u joogo dalka Kenya islamarkaana uu ku guulaystay in Hay’ad Dhinaca Waxbarashada oo ka diiwaangashan Dalka Iran ay ka Howlgali doonto Deegaanada Galmudug Maalmaha soo socda Xubno ka socda Hay’adaasna ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo si buu yiri ay kormeer ugu sameeyaan Goobaha Waxbarashada ee ka jira Gaalkacyo iyo Deegaanada kale.
Wasaardda Waxbarashada Galmudug ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Wasaaradaha fara kutiriska ah ee Maamulka Galmudug ee Howl fiican ka qabtay Deegaanada Galmudug gaar ahaan Dhinaca Waxbarashada.
Hadalka Wasiirka Waxbarashada Galmudug ayaa meesha ka saaraya hadalo maalmahan la isla dhexmarayay oo sheegaya in gabi ahaanba u hakad ku yimid Howlihii Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.
Burhaan C/laahi Xaashi
burhaan712@hotmail.com
↧
Wasiirka Waxbarashada Galmudug”Wasaaraddu si wanaagsan ayey u shaqaynaysaa”
↧