Jose Mourinho ayaa guuldaradii ka soo gaartay kooxdiisa semi-finalka Champions League ku eedeeyay nasiib darro soo wajahday kooxdiisa.
Kooxda ku guuleysatay 9 jeer Champions League ayaa rigoore 3-1 waxaa kaga badisay kooxda Bayern Munich oo 19ka May la ciyaari doonta finalka Champions League kooxda Chelsea.
“Nasiibka ayaa na diiday” ayuu yiri Mourinho ciyaartii xalay ka dib.
“Waa adag tahay in labo sanno oo isku xigta la gaaro semi-final islamarkaana loo gudbi waayo final. Waxaan u qalanay inaan badino”
“Waxaan xusuustaa kulankii Liverpool ee Champions League waxaan ciyaartaas ka hor laheyn kulan adag oo horyaalka ah, iyagana cadaadiskaas ma uusan saarneyn, waana ay inaga badiyeen”
“Tana la mid ayay aheyd. Waxaan la ciyaarnay isbuuc dhamaadkii Barcelona, Bayern Munich-na kulana dag ma aysan ciyaarin”
“Marka laga soo tago inay ciyaartoy nastay heysteen, waxaan ciyaarnay kubad fiican. Ciyaartoyda intii karaankooda ah waa ay dadaaleen” ayuu yiri.
Mourinho ayaa ku booqday sida sheegay ciyaartoyda Bayern Munich qolka labiska isagoo u hambalyeeyay guusha ay gaareen, lakiin waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu rajeynayo in Chelsea ay qaadi doonto Champions League 19ka May.
“John Terry ayaa ka maqan, lakiin Chelsea waa ay joogtaa. Waxaan rajeynayaa inuu noqdo final wanaagsan. Waxaan doonayaa in Blues ay badiso lakiin ixtiraam ayaan u hayaa Bayern”
Waxaana uu sidoo kale ka hadlay sida Chelsea ay ku reebtay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
“Chelsea geesiyaal ayay ahaayeen shalay. Dadka qaar ayaa Barcelona u heysta inay madax ka yihiin kubada cagta waxaana ay hoos u fiiriyaan kooxo sida Chelsea ama Inter, lakiin wax ay ka yaqanaan ma lahan dadaalka iyo isbiiritka kooxahaas”
“Chelsea waa ay u qalantaa inay final gaarto sida la mid ah Bayern Munich”
↧
Maxay Real Madrid ay ka tiri guul daradii ay kala kullantay kooxda Bayern Munich
↧