Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Maraykanka Oo $120 Million Siinaya Dalalka Ku Yaala Geeska Afrika

Washington (RBC) Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay Arbacadoo in lacag dheeraad ah oo gaareysa 120 malyuun oo Dollal-ka Maraykanka ay siinayso dalal ay ka mid ah yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia , oo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo abaar kale howlaha gar-gaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay geeska Afrika.
Waa markii labaad ee bishan gudaheeda ee Maraykanku uu ku dhawaaqo inuu gar-gaar siinayo dalalka ku yaala geeska Afria. 5-tii bishan April ayuu Maraykanku ku yaboohay 50 malyuun oo Dolllar.
Aqalka Cad ayaa sheegay in gar-gaarkan cusub loogu talagalay in looga hor-tago in dhibaato dhinca cuntada ah ay ka dhacdo, Geeska Africa.
Sidoo kale Aqalka Cad wuxuu sheegay in roob yaraan gobolka ka jirta la filayo inay saameyn weyn ku yeelato wax-soosaarka miraha.taasna ay keentay in la ballaariyo howlaha bini’aadinimada dalalka seddaxda ah ee ku yaala Geeska Africa.
Sannadkii hore, Geeska Afrika ayaa waxaa ku dhuftay abaar aad u baaxad weyn oo xaalad macluul ah ka dhalisay qeybo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliyam, waxana ay sababtay in boqolaal kun oo qof ay ka soo carraraan guryahooda, kuwaas oo soo miciin biday caasimada Muqdisho, waxa kaloo jira dad kale oo iyana gaaray dalalka dariska sida Kenya iyo Ethiopia.
Abaartaas oo ahayd tii ugu ballaarneyd ee ku dhufata Geeska Africa waxa ay Soomaaliya kaliye ay ku leysay Kumanaan qof .
Dowladda Maraykanka waxa ay sheegtay inay hore u bixisay in kabadan 1.1 billion oo dollar taas oo loogu talagalay gar-gaarka bini’aadanimo ee Geeska Afrika tan iyo markii mashaqada abaartu bilaabatay bilowgii 2011
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles