Gabiley (OWN)- Gobolka Gabiley oo ah gobolka ugu wax soo saarka badan Somaliland ayaa ah mid Illaahay ku manaystay dhul beereedyo aad u qurxoon ku waas ay ka soo baxaan khudaar aad u tiro badan ahna isha 1aad ee dhaqaaluhu ka soo galo gobolka Gabiley .
Gobolkan oo leh meelo badan oo ay dadku u tagaan dalxiisyada oo ay beeruhu ka mid yihiin kagana duwan yahay gobolada kale ee Somaliland,
Iyada oo taasi jirta ayaa hadana qofkii mar arkay magaalada Gabiley marka uu maqlo waxa markiiba maskaxdiisa ku soo dhibcaysa muuqaalka dhirta ku xeeran laamaday inta aan la gaadhin magaalada ,ku waas oo u qaabwanaagsan ugu taxan hareeraha laamayda , waxayna ka qabanayaa labada dhinac ee wadada ,waa dhir aad u cagaaran oo ah dhirta loo yaqaan baxarasaafka iyo miri-miriga oo had iyo jeer midab koodu qurxoonyey .
Waxaad arkaysaa dad iyo gaadiid badan oo istaagaya markay soo gaadhaan goobta ay ku yaalaan dhirtani iyaga oo daawanay sida cajiibka ah ee ay isgu taxan yihiin waxayna faaqidaan sida ay dhirtani u baxaday oo ay siyaaba kala duwan loo arki karo
Dhirtan oo ka baxda gobolo badan oo Somaliland ah ayey tahay kaga duwanyihiin dhirtani qaabaa ay u bexeen oo ah hab siman oo ah dhinacyada laamayda oo kaliya oo aan kala leexsanayn
Dadka ku nool gobolka Gabiley iyo deeganaada ku hareeraysan ayaa ka kala aamisana dhirtan aragtiyo kala duwan ,kaas oo qaar aanu wax kaweydiinay ay aaminsanyihiin in dhirta uu beeray maayarkiii ee xukuumaddii Siyaads Barre ee magaalada Gabiley xukumaayey kaas oo ay sheegeen in uu qorshanhan uu u gu talagalay in ay ka qaybqaadato bilicda waddada iyo magaalada ba ,halka qaar kalena ay leeyihiin dhirtani waa dhir dabiici ah oo Illaahay (SWC) uu meesha ka soo saaray taasina ay tahay mid ka mid ah waxa yaabaha Gobolka Gabiley uu gaarka ku yahay .
Waxa jira aragtiyo sidaas ka duwan oo ay qabaan dadweynaha deegaanada Gabiley oo u dhanaysa in dhiratan la bilaabay abqaalideeda waqtigii xukunkii Siyaad Barre dalka ka talinjiray taas oo ay ahayd in lamaanayaasha is doorta ee doonaya in ay reer noqdaan kana soo jeeda deegaanak Gabiley ay shardi u ahyd in ay beeraan laba geed oo kala turjumaaya labada lamaane markii dambena ay sidaas dhirtii ku sii badatay waana ta loogu hadalhaynta badan yahay .
Si kastaba ha,ahaatee dhirtan ayaa ah ku wa si cajiiba u baxay oo in dhahaagu ay aad u soo jiidanayaan gaar ahaan waqtigan oo lagu jiro xilli-roobeedkii guga .
Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Omarserbia1@hotmail.com
Oodweynenews.com/Hargeysa Office
↧
Gabiley : Dhir Dood Xoogan Ka Dhex Abuurtay Dadka Degan Deegaanada Gabiley
↧