Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:2AAD

$
0
0

Haddaan qaybtii hore oo qormada uga hadlay; Arar, Marxaladda kala guurka
ah, Guddiga Dastuurka, iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah,
ayaan qaybtanna ku sii qaadaa dhigayaa, wali qaybo ka mid ah Dastuurka,
Dastuurro is diiddan iyo Dastuur duran. Haddaba qaybtii labaad ee
qormada waa tane, ka bogasho wacan.

Xuduudaha dadlka

Qodobka kale ee Dastuurkan qabyo qoraalka ah ku jira, ee u baahan in la
iftiimiyo ayaa ah Xuduudaha dalka. Dastuurkan qabyo qoraalka ah, laguma
qeexin soohdimaha dalka, halka lagu caddeeyey Dastuurkii Dawladdii
1960-kii, ee la qoray maalmihii xorriyadda, Dastuurkii Dalwaddii Carta
ee 2000-dii ee laguu soo dhisay Jabuuti, ee C/qaasim Salaad Xasan
madaxweyne ka haa iyo Dastuurkii 2004-tii ee DKMG ee lagu soo dhisay
wadanka Kenya, ee C/laahi Yuusuf madaxweyne ka ahaa. Arrintan waxaa xoog
u yeelaya, in Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xuduudihii uu gumeysigu
ka tagay, doodna ay ka qabto, wixii dalka dawlado soo marayna marna
aysan aqbalin. Haddaba, jihooyinka soohdimaha Jamhiiriyadda Soomaaliyeed
waxaa lagu qeexaa sidan:

-Waqooyi, waxaa kaga beegan: Gacanka Cadmeed
-Waqooyi Galbeed, waxaa ka xiga: Jabuuti
-Galbeed, Waxaa kaga aaddan: Itoobiya
-Koofur iyo Kuufur Galbeed, waxaa ka jira: Kenya
-Bari, Waxaa kaga dayran: Badweynta Hindiya

Caasimadda Muqdisha

Qodobka kale ee Dastuurka qabyo qoraalka ah ka mid ah, ee isna u baahan
in la qeexo ayaa ah: Caasimadda Muqdisha, weydiintuna tahay; sidee laga
yeelayaa? Dabcan waan filaa, in loo wada joogay murankii laga keenay
Muqdisha, intii uu socday Shirkii Garoowe 2, heer la isla gaaray, in
ergadii Martida loo ahaa, ay shirka isaga baxaan, marti caroonaysa, oo
ergo u fadhida goobta ku bannaysay, xeer ma ka yaal? Hadduu ka yaal,
muxuu yahay? In lala tiigsado raggii ku xadgudbay mudan.
Weydiinta u horraysa ayaa ah, maxaa mar walba muran loo galshaa,
maqaamka Muqdisha? Magaalooyinka wadanka ugu waaweyn hadal lagama
keenee, maxaa Muqdisha kaliya dooddeedu u dhalataa? Kismaayo, Hargaysa,
Garoowe iyo magaalooyinka la midka ah, marna ma maqalno muran ku
aaddane, maxaa Caasimadda Mqudisha mar walba looga murmaa? Hubaal in
ujeed ka dambeeyo.
Mid waan filaa inaan muran ka jirin, in deegaan walba dad leeyahay,
xitaa kuwooda bannaan, ee aan markaa la daganayn, aan bal tusaalo ku
muujiyo, gobollada dalka, dhammaan lama wada degana, bal Soomaaliya
waxaa lagu tiriyaa wadamada “Lama dagaanka ah” ma ahan in dhulkeennu
Saxare yahaye, ee maadaama dad ahaan aan aad u yarnahay, dhulkuna aad
nooga weyn yahay ayaa sidaa loo yiri.
Haddaba, haddii dhulku naga soo harayo, mayee, aanba ka deggan nahay wax
aan dhammayn 13%, maxaa keenay in deeganno la isku qabqabsado? Kumaba
sii jirto, haddii is qabqabsigu keenay, in dhul dad leeyihiin la
dhaafinayo, sidaa awgeed, Muqdisha dhul ahaan, hubaal in dad leeyahay,
Caadimad ay noqotana, dadkii dhulka lahaa kuma weyn karaan.
Maxaa yeelay, sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ayaa Muqdishana dad u
leeyihiin, haddii la yiraa: Muqdisha lama kala xigo, oo waa caasimaddii
dalka, saw ma noqonayso: “Waxayga anaa iska leh, waxaaga kula ihi”
Micnaha sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ee aan lala wadaagin, saw ma
ahan in Xamarna sidaa noqoto? Taa kama dhalanayso inaysan ahayn
caasimadii dalka.
Dhanka kale, waaba su’aale: Miyeysan dhici karin, in Xamar Caasimad
ahaato, maamulna ay yeelato, dadna yeeshaan? Weydiinta aan si kala u
dhigo: Miyey is diidayaan caasimadnimada Muqdisha iyo Maamul cidi
leedahay inay isla noqoto? Wallee Soomaali looga maara waa; sadbirsi iyo
xerataraar!
Haddaba, miyeysan habboonayn, inaan dadka la sii kala dilin? Illeen
Carrab ku celcelinta Caasimadda Muqdisho dadaa ku sii durgayee, waa
haddii la tixgalinayo muwaaddinnimo, walaaltinimo, wadanoolaasho,
darisnimo iyo xigaalnimo, haddii kale, colaadda meeshii laga damin
lahaa, ha la sii huriyo, wixii laga dhaxlo, yaanba wax la iska siin!

Dastuurro is diiddan

Marka laga soo tago qaab qoraalka Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee la
doonayo in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro
kale, oo wadanka ka jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo
wado iyo kuwii horay u jirayba, dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland,
haddana, ma qodobaynayo, illeen iyagu waxayba sheegteen inay dalka ka
go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax bannaan oo kale.
Midse aan caddeeya, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee
xalaal lagu tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal
waxaan u iri, waa Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay,
waxaan wada xusuusannaa kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee
Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka
sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka qura ee aan qol mugdi ah lagu
madiidin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo xilsaarin meelmarintiisa,
waa tii la yiri: “Xalaal barqaa la quutaa” iyo “Hillaac biyihiisuu
caddaystaa”.
Balse, layaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland
ansixiyey, waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya,
mudane Faroole inuu sanad kordhistay ka sokow, waxaa Dasturka ku qoran
qodobbo la yaab leh, haddaba aan tusaaleeyo:

Magac bixinta:

Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste
ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weyndiine, ma dawlad
goboleed baa? Mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale
ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican”ka, ee ku taal
Roma ee wadanka Italay, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey
ku samaysan tahay.

kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana
looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa
ah:Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa? Mise waa dawlad madax
bannaan?.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga
khayraadkeeda dabiiciga ah. Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay
sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.
3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo
ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka
dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan
tahay?.
Aqriste, adoo maanka ku haya qodobka Jinsiyadda ee ku jira Dastuurka
qabyo qoraalka, bal Dastuurka Puntland sida uu uga hadlayo eeg, “dadka
dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland” Waaba weydiine,
Qabiil qura Jinsiyad ma qaybin karaa? Maya, horta isagu ma yeelan karaa?
Maya, Puntland ma qabiilbaa mise wa qaran? Maya, Puntland ma dawladbaa
mise waa maamul goboleed?
Meesha maradu uga dhacday –aan ka soo amaahdo Shariife- waa sida la isu
qabadsiinayo labada Dastuur, kan Puntland meel marisay iyo midkan
qabyada ah ee la soo wado, aqriste bal sida ku qoran Dastuurka Puntland
eeg:

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka
Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland
wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha
Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno Sharci yaqaanno  iyo
Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan
Dastuurka Puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin
labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.
2. Inta lagu dhammaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland ansixisay,
dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyo, Puntland waxay lahaaneysaa
awood Dawlad madax bannaan

Waaba su’aale, hadday madax bannaan yihiin, maxay Soomaalida inteeda
kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa yaab,
mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u
dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo
ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.
Midda meesha ku jirta ayaase ah, maxaa Somaliland guddi ay ku jiraan
iyagu loogu dirayaa, iyaga ayaaba u baahan wax guddi  u diree, oo ka
keena inay go’een iyo inay gayiga Soomaali la wadaagaan?.

Dastuur duran

Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee DKMG ah soo waddo, marka laga soo tago
qaab darradiisa iyo qodobada is diiddan ee ku jira ama ku qoran
dastuurrada kale ee dalka laga hirgaliyey, waxaa jira aragtiyo kala
duwan oo laga baxshay, ayna ka dhiibteen qaar ka mid ah beelaha
Soomaaliyeed, siyaasiyiin, aqoon yahanno, garsoorayaal, sharci yahanno,
qareenno iyo aqoon yahanno, oo dhammaan wada muujiyeen walaaca iyo
walwalka ay ka qabaan dastuurkan oo sidan lagu dhaqangaliyo.
Ra’isul wasaare Gaas oo muddo sii horreesay ka badbaaday qaarijin sida
hadalka loo dhigay, hoygiisiina ka huleelay, waaba hadduu hurdee, ayaa
maalmahaan Wardigiisu noqday ansixinta dastuurka, goob walba, iyo goor
walba wuxuu ku celceliyaa in dastuurka la qaato, dabcan waa sida uu
jecel yehee, siyaasina waa yehee, wali iskuma dayin inuu dadka ka
qanciyo qodobada dareenka dhaliyey dooddana keenay, taa badalkeed, wuxuu
fekerkiisa isugu geeyey kaliya inuu naadiyo in dastuurka la qaato.
Dhanka kale, waxaa isa soo tara cabashada laga muujinayo dastuurka iyo
cod dheerida lagu diiddan yahay, haddana cid codkaa maqasha ama isku
dayda inay dhagaysato ma jirto. Aan ka billaabo inay si toos ah beelo
Soomaaliyeed uga horyimaadeen dastuurkan, iyagoo sheegay inaan dan
Soomaali iyo mid samaanba lagu saabayn dastuurka, yaan lagu xugmin
beeshii diidda dastuurkan dawlad diid, illeen maqalka eragan ayaa nagu
batay dharaarahan, qofkii aragtidiisa cabbirana noqonayo dawlad diid iyo
qaswade, aniga iima bixin!
Isla sida ay beelahaa Soomaaliyeed u diideen, waxaa iyana u diiday
dastuurkan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Mudane Cali Khaliif Galayr
aasaasaha Maamulka “Khatuma State” wuxuuna sheegay dastuurka oo sidan
lagu hirgaliyaa inaysan dan ugu jirin umadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, isla duridda dasturka waxaa isna docda fog ka soo far
fiiqay mudane Faysal Cali Waraabe, oo sheegay inuusan Soomaalina
anfcayn, Somalinad uusan waxna u tarayn.
Ujeedka ma ahan in druid iyo dacaayad kaliya loo joogo, balse, maadaama
dadkii dhagaha laga laga furaystay, ayaa qof walba kalkiis hadlay,
haddii la leeyahay yaan la hadlinna waaba mid kale.

Fisha qaybta xigta ee qormada.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles