Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdishoka wada mushruucii ugu ballaarnaa ee lagu soo celinayo Dhismaha waddooyinka, Dajiinnadii ay Bulshada farriisan jiray si isbaddelka caasimadda ka jira loo muujiyo.
Maamulka gobolka Banaadir oo dadaal xooggan u gallay tan iyo markii caasimadda dalkeenna ee Muqdisho uu ku yimid isbaddelka dhinaca amniga ayaa waxa uu billaabay Horumarrinta qeybaha kala duwan ee magaalada, sida nadaafadda, dhismayaasha waddooyinka, Darjiinnada, iftiinka magaalada iyo waxyaabo kale oo ay shacabka reer Muqdisho u riyaaqeen.
Maalmahan ayaa waxa uu maamulka gobolka Banaadir muddo 21,sanno kaddib billaabay dhismaha Darjiinnada waddooyinka iyo beerrihii quruxda badnaa ee waddooyinka dhinacoodu ka bixi jiray.
Xog-hayaha gobolka Banaadir C/kaafi ayaa sheegay in hadda olollahan ballaaran ee aan ka soo sheekeynay ay ka soo billaabbeen waddada ka timaada garroonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku soo fiday olallaha waddada Makal Al-Mukarama, isagoo intaa raaciyay in ay sii socon doonaan maraashiircdaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa muddo 21,sanno kaddib waxa ay ku soo laabanaya Horumarradii dhinacyada Dhismaha, Nadaafadda, Korontada, Biyaha, iyo guud ahaa adeegyada Bulshada oo ah kuwa aas aas u ah hiigsiga horumarka xarunta midnimada ee Muqdisho.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Maamulka Gobolka Banaadir: Waxaa la soo celiyay Darjiinnadii iyo beerrihii waddooyinka caasimadda
↧