Axmed Cabdisalaam oo ka mid ah mas'uuliyiin ka soo jeeda gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo mudooyinkan dambe u xusul-duubayay sidii ay maamul ugu sameyn lahaayeen goboladaas ayaa waxaa uu ka hadlayaa haatan dhaawaca soo gaaray iyo aayihiisa dambe ee siyaasadda kadib weerarkii lagu qaaday.
Mudane Axmed wuxuu sheegay in weerarkii asxaabtiisa lagu dilay isagana lagu dhaawacay uusan ka hakin doonin in uu sii wado dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed ee sida uu sheegay uu wax ugu qabanayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dhaca bartamaha Soomaaliya.
"Weerrarkii la igu dhaawacay asxaabteydina lagu dilay wuxuu igu dhiirgelinayaa hawlihii aan waday" Sidaas waxaa saxaafadda isagoo ku sugan Addis Ababa, Itoobiya u sheegay Axmed Cabdisalaam.
Gunaanadkii warkiisi ayuu Axmed Cabdisalaam ku sheegay in uu Dhuusa-mareeb dib ugu soo laabanayo marka uu soo caafimaado si uu halkaas uga sii wado hawlihiisi uu dadka u hayay waa siduu hadalka u dhigaye, wuxuuna sidoo kale al Shabaab ku tilmaamay kuwa aan dadka u diirnaxeyn oo Soomaalida indhaha ka ridaya.
Axmed Cabdisalaam wuxuu ka mid ahaa koox siyaasiyiin ah oo weerar ismiidaamiin ah lagu qaaday mar ay ku sugnaayeen goob ay Dhuusa-mareeb isugu soo uruureen.