Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Mareykanka Oo Taageertay Go’aankii Q.M. Midowga Africa Iyo Igad

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u dhiirigelisay baaqii wadajirka ahaa ee ay dhowaan soo saareen Q.M. IGAD iyo Midowga Afarika kaas oo ahaa in tallaabo adag laga qaado shaqsiyaadka caqabadda ku ah xasilloonida iyo qorshaha ay dowladda Soomaaliya uga gudbeyso marxaladda KMG ah.
Warsaxaafadeed ka soo baxay ku xigeenka afhayeenka waaxda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Mark C. Toner ayaa lagu sheegay in wax ka yar muddo Afar bilood ah ay u hartay madaxda Soomaalida si ay u dhameystiraan tallaabooyinkii ay ku heshiiyeen ee ahaa Roadmapka iyo dhammeystirka KMG-rnimada islamrkaasna loo soo celiyo amniga iyo siyaasad deggan oo ay Soomaalidu muddo dheer sugeysay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladda mareykanka ay dhirigelinayso horumarka laga gaaray Roadmapka iyo amniga, hase yeeshee ay jiraan tallabooyin kale oo harsan kuwaas oo u baahan in la dhameystiro waxaana tallabooyinkaa ka mid ah soo xulista ergada , ansixinta dastuurka cusub, soo xulista baarlamanka yar oo cusub iyo In si dadban loo doorto afheyeenka baarlamanka iyo madaxweynaha.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareyukanka ayaa horay u caddeysay Mowqifka Mareykanka kaga aadan arrimaha xasilinta Soomalaiya iyo hirgelinta Roadmapka intii ay ku gudajirtay khudbaddeedii ay ka jeedisay shirkii Londan waxa ayna xustay inaan loo dulqaadan doonin dadka caqabadda ku ah horumarka siyaasadda iyo degganaanshaha Soomaliya.
Waxa ay intaasi ku dartay haweeneyda in mareyknaka uu ku dhiirigelinayo beesha caalamka in ay cunaqabateyn ku saabsan dhanka safarrada iyo fariisinta dhaqaalaha lagu soo rogo dadka ka tirsan dowladda iyo kuwa ka madaxa bannaan ee carqaladeynaya Nabadda , xasiloonida iyo dib u dhaca lagu sameeyo Siyasadda KMG-ka ah ee Somalia. Ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay Dowladda Mareykanka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in mareykanka ay taageereyso warqaddii ay 1-da bishan si wadajir ah u soo saareen Q.M. Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD  ee lagu ogeysiinayay shakhsiyaadka diiddan ka gudubka marxaladda KMG-ka in beesha caalamku u dulqaadan doonin tallaabooyinka carqaladeynta ah.
Ugu dambeyntii warsaxaafadeedkan maalintii khamiista ka soo baxay dowladda mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda mareykanka ay ka shaqeyneyso caawinta Dowladda KMG-ka ah ee Somalia iyo Hogaamiyeyaasha kale ee Soomaalida ee heysta fursad ay horumar weyn  uga sameyn karaan Amniga iyo Xasilinta Siyaasadda.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>