Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ammaanka Magaalada Muqdisho oo saaka si aad ah loo adkeeyay & Ciidamo badan oo wadooyinka lagu daadiyay

Iyadoo saaka la filayo in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Odayaasha dhaqanka ee lagu soo xulayo 825-ergo ee ansixinaya Dastuurka ayaa ammaanka Caasimada si aad ah loo adkeeyay.
Wadooyinka magaalada ayaa la soo dhoobay ciidamo isugu jira boolis iyo kuwa nabadsugida, kuwaas oo ay taageerayaan ciidamo gaar ah oo loo xil saaray ammaanka shirka.
Ciidamada oo feejignaan ka muuqata ayaa wadooyinka qaar xiray, gaar ahaan wadada dheer ee ka baxda KM4 ee aada Dekeda Muqdisho.
Sidoo kale Wadada Maka Al-Mukarama ayaa iyana ah mid furan, inkastoo ciidamada ay baarayaan dadweynaha iyo gaadiidka, waxaana meelaha qaar ciidamada ay dadka u fasaxayaan inay maraan.
Durba howl galada ammaanka lagu sugayo ayaa waxay saameyn xoogan ku yeelatay ardayda iskuulada, shaqaalaha shirkadaha iyo ganacsatada.
Saameynta dhinaca ammaanka ee laga dareemay Muqdisho ayaa aheyd mid maalmihii u dambeeyay soo socotay, markii ciidamo badan lagu arkay xaafadaha qaar, isla markaana howl galo ka sameynayay.
Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay inay adkeyn doonaan ammaanka magaalada iyo qeybaha lagu qabanayo shirka, iyagoo balan qaaday inta uu socdo shirka ciidamada ay sameyn doonaan feejignaan dheeri ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles