Madaafiic waaweyn oo ah kuwa taangiyada ayaa haatan lagu
garacayaa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho xilli uusan xilli dadku ka
caraabayaan suuqa.
Madaafiicda oo ah kuwo aad u xooggan ayaa waxaa lagu soo
beegay xilli ay hadda ku beegan tahay xilliga ay dadka ka caraabaan Suuqa isla
markaana ay u socdaalaan Guryahooda iyada oo hadda uu Suuqa intiisa badan u
muuqdo mid albaabada la’isugu dhuftay isla markaana waxaa xayirmay dadkii rabay
in ay Guryahooda aadaan.
Wararka ayaa waxaa ay sheegaayaan in madaafiicdu tahay mid aad u xooggan isla
markaana ay qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ay kusoo dhaceen xabadaha ka dhaca
Qoriga Taangiga inkastoo aan ilaa iyo iminka wax war ah laga hayn khasaaraha ka
dhashay madaafiicda xilligan ku socda Suuqa Bakaaraha.
Lama oga sababaha keenay xilligan madaafiic xooggan lagu garaaco Magaalada
Muqdisho hase yeeshee waxaa jira warar sheegaaya in dhinacyada Dawladda kasoo
horjeeda ay duqaynta ka hor weerarro u gaysteen fariisamada Ciidamada Dawladda
iyo kuwo Amisom
Inta Badan Ciidamada Amimsom ayaa madaafiic aan loo meel dayin ku garaaca Suuqa
Bakaaraha iyo goobaha kale ee Degmooyinka Gobolka xilliyada ay weeraradu uga
yimaadaan dhinacayada kasoo horjeeda Dawladda.