image:
Muqdisho (RBC Radio) Macalinka xulka Qaranka Spain Mr.Vincente del Bosque ayaa waxa uu magacaabay qaar ka tirsan Xiddigaha Qarankaas uga qeeyb galaya koobka Qaramada Yurub.
Xidigaha uu xushay malinkaan ayaa waxa ka mid ah.
Goolhayaasha: Iker Casillas (Real Madrid), Jose Reina (Fc Liverpool), David de Gea (Manchester United).
Difaaca : Juanfran (Atletico Madrid), Alvaro Arbeloa (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid), Alvaro Dominguez (Atletico Madrid), Raul Albiol (Real Madrid), Jordi Alba (Valencia), Nacho Monreal (FcMalaga).
Qadka Dhexe : Xabi Alonso (Real Madrid), Santi Cazorla (Fc Malaga), Jesus Navas (FC Sevilla), Benat (Betis Sevilla), Javi Garcia (Benfica Lispon), Bruno (Fc Villarreal)
Weerarka : David Silva oo weearar laga dhigay (Manchester City), Alvaro Negredo (FC Sevilla), Roberto Soldado (Valencia), Isco (Fc Malaga), Adrian (Atletico Madrid).
Spain waxay isku Guruub yihiin koobka Qaramada Yurub dalalka Talyaniiga, Irland iyo Croatia oo dhamaantood lagu qadariyo Ciyaaraha Kubada cagta.
Malinka Spain wuxuu sheegay in dhowaan uu soo dhameestiri doono ciyaartoyda kooxda Spain, waxaana malinta uusan magacyadooda wali qaranka ku soo darin xidigo muhiim ah.
Sidoo Kale Qaranka Farance ayaa xidigaha u ciyaaraha dhamaantoodaba la soo dhameestiray.
Dhanka Goosha ayaa loo soo calaameeyay: Cedric Carrasso (Bordeaux), Hugo Lloris (Lyon), Steve Mandanda (Marseille).
Difaaca : Gael Clichy (Manchester City), Mathieu Debuchy (Lille), Patrice Evra (Manchester United), Laurent Koscielny (Arsenal), Philippe Mexes (AC Milan), Adil Rami (Valencia), Anthony Reveillere (Lyon), Mapou Yanga-Mbiwa (Montpellier).
Qadka Dhexe : Yohan Cabaye (Newcastle), Alou Diarra (Marseille), Yoann Gourcuff (Lyon), Florent Malouda (Fc Chelsea), Marvin Martin (Sochaux), Blaise Matuidi (Paris SG), Yann Mvila (Rennes), Samir Nasri (Manchester City), Franck Ribery (Bayern München).
Weerarka: Hatem Ben Arfa (Newcastle), Karim Benzema (Real Madrid), Olivier Giroud (Montpellier), Jeremy Menez (Paris SG), Loic Remy (Marseille), Mathieu Valbuena (Marseille).
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho