Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Faroole "qolyahaya dowladda Fadaraalka KMG ah, ayaa wax badan isku qasay"

$
0
0

Muqdisho (RBC) Kaddib markii labo maalin ka hor ay odayaal-dhaqameed ka socday deeganada Puntland ay ka noqdeyn shirka Muqdisho, ayaa waxa ka hadlay arrintaas madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
Madaxweyne Faroole oo hadda ku sugan dalka Hindiya ayaa ugu horeyn ka hadlay in Puntland ay qaadacdo shirka Muqdisho uga socda odayaasha dhaqanka, kaa oo lagu soo xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa yiri “Arrimaha Soomaaliya waxa ka qaadanay door muhiim , waxa aan isku tax luujinay in ay wax hirgalaan oo wadankan nabad lagu soo dabaalo, iyadoo dastuurkana la hirgalinaayo, dhinaca Puntland, waxa ay qabatay labo shir oo ka dhacay Garoowe, iyo kii Muqdisho waxyaabo badan ayaana ka soo baxay, annaga Puntland wixii noo gaarka ahaa waan hirgalinay, laakin qolyahaya dowladda Fadaraalka KMG ah, ayaa wax badan isku qasay, waxa aan annaga aan dooneynay in dastuur loo sameeyo Soomaaliya oo nalgu daro annaga guddiyada ansixinaya, laakin TFG-da ayaa diidan arrintaass”
Madaxweyne Faroole ayaa dhaliilay wasiirka dastuurka XKMG ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Kaa oo uu sheegay in wax badan uu ku ciyaaray, waxa ay DKMG ah 31- April noo soo direyn warqad ay ku qoran tahay qaabka la doonayo in loo ansixiyo dastuurka Soomaaliya, laakin markii warqada aan aragnay, wax ku yaala haba yaraatee ma lahan, wax shaqo ah oo ay qabtay dowladda ma jirto, annaga markii waxaas oo dhan aan aragnay, ayaan ka biya diidnay howlaha hadda sida ay wax u socdaan” ayuu yiri Faroole.
Madaxweyne Faroole oo la hadlaayay BBC-da ayaa la weydiiyay maxa xigga marka haddii aad kala soo baxdeyn egadiina shirka Muqdisho, iyo in ilaa hadda wax qancis ah loo muujiyay?
Wuxuu yiri ” Annaga marka aan ka biyo diidnay waxa sida ay u socdaan, waxa aan durba warqad udirnay beesha caalamka iyo saxiixayaashii Roud-Mapka waxana u sheegnay in la iskugu yimaado magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo aan u aragnay meel kuwanaagsan in looga hadlo arrimahan”
Wuu sii hadlay ” Odayaal in Xamar lagu shiriyo, oo wax aysan ka warheyn looga sheekeeyo, waxa aan noo cuntameynin, waayo shirkii Garoowe 1 iyo Garowe 2 iyo kii Roud-Mapka lagu ansixiyay, waxa inoo muuqda hadda in la doonayo in dadka la jiirsiiyo wax aysan qaadan karin, oo meesha wax aan Transpalance wax la yiraahdo aysan ka jirin,annagu waxa aan dooneynaa shirka in uu noqdo kii lagu ansixiyay dastuurka Puntland ee ka dhacay Garoowe, marka hadda waxa socda dadka oo dhan ayaa ka biyo diidsan, annaga kuma qanacsanin, TFG-da hadda waxa ay ku mashquulsan tahay doorashada, cid kale oo ku mashquul san dalkan in uu yeesho dastuur rasmi ah oo loo dhan yahay ma aragno” ayuu yiri madaxweyne Faroole.
Madaxweyne Faroole ayaa la weydiiyay, haddii uu la socdo heshiiskii Kampala Accord ee sanadkii hore madaxda DKMG ah ay ku gaareyn Kampla.
” Heshiiskii Kampala waxa uu u dhexeeyay DKMG ah, annaga waxba nagama galin, laakin annaga waxa aan meel dhexe ka soo galnay kii lagu saxiixay Roud-Map-ka isagiina wax nalaga socod siiyay malahan, xittaa saxiixayaashii Roud-Map-ka lalama socodsiin waxa sida ay u socdaan, annaga waxa aan fileynay in ay soo baxaan wax qurux badan xittaa haddii aan nala socodsiin, laakin hadda waxaas meesha kama jiraaan” ayuu yiri Madaxweyne Faroole
Waxa wali muqdisho ku haray qaar ka mid duubabka Puntland oo aan iyagu Muqdisho ka imanin, kuwaas oo wali jooga magaalada Muqdishom kana qeyb galaya shirka odayaasha dhaqanka, waxana dowladda KMG ah ay sheegtay in shirka aan loo hakin doonin ergada Puntland ee ka noqday, oo dhowr qof ku sheegay.
Hadaba waxa laga warsugaya shirka ka dhacaya dhawaan magaalada Addis Abab ee dalka Ethiopia, kaa oo ay ka qeyb galaan saxiixayaasha Roud-Mapka oo kala ah: DKMG ah, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna. UNPOS, IGAD, AU, iyo Midowga Yurub.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>