Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada KMG oo weerar ku qaaday fariisin Shababa ku leeyihiin duleedka Xudur

$
0
0

Xudur: (Sh. M. Network): Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa weerar qasaare geystay waxa ay ku qaadeen fariisin xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakaaol.
Sida uu idaacada  Shabelle ee magaalada Muqdisho uu u xaqiijiyay Xildhibaan Axmed Sheekh Max’ed (Laxoos) oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka ee kusugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa weerar ku qaadya fariisimo xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku nool Magaalada Xudur ay cunaqabateyn saareen xarakada Al Shabaab iyadoo taasi ay ka jawaabayaana militariga dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimihii AL Shabaab ay dadka rayidka ah ka cunaqabateyn jireen, waxaana xildhibaanku uu sheegay in ay bur buriyeen fariisimihii shabaabku ay ku lahaayeen duleedka degmada Xudur.
“ dhowr Jagbooti oo ay ka sameeyeen meelo wadooyin ah ayaan ku bur burinay, run ahaantiina howlgalkaasi waxaan jacelnahay ilaa Nuur-gaabey ilaa Garasweyne aan ku soo fidino” ayuu yiri xildhibaanka.
Axmed  Sheekh Max’ed oo ka jawaabayay Su’aal ay Shabelle weydiisay oo aheeyd saameynta ay ku yeelatay cunaqabateynta ay saareen Al Shabaab, ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay hor istaagaan dadka noloshoodii, isagoo intaasi ku daray in qudaar badan oo u soo socotay degmada Al Shabaab ay dhulka ku daadiyeen halkaasina ay ku bur burtay.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Laxoos waxa uu sheegay in ay ka go’antahay masuuliyiinta dowladda KMG iyo ciidamadooda in ay cagta mariyaan deegaanada ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool si buu yiri meesha looga saaro cunaqabteynta dadka shacabka ah ay ku hayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>