Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Saraakiisha Ethiopia: Dib u dhac ayaa ku yimid qorshe Al Shabaab looga saari lahaa J/ hoose

$
0
0

image: 

Baydhabo: (Sh. M. Network)   Taliska Ciidamada Ethiopia ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in uu dib u dhac ku yimid qorshe Xarakada Al Shabaab looga saari lahaa goboladaasi. 
Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee gobolka Bay Jeneral John oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu sheegay in uu dib u dhac ku yimid qorshe guud oo la sheegay inay iska kaa shanayeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo ku addanaa in Al Shabaab laga saaro Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Jeneralka ayaa sheegay in qorshahaasi uu ahaa in Ciidamada Kenya oo gacan siinaya kuwa dowladda KMG ah ay kasoo dhaqaaqaan Xuduudda Kenya si ay gacanta ugu dhigaan Magaalada Kismaayo oo uu sheegay in dhaqaale badan uu kasoo galo Ururka Al Shabaab. 
Sarkaalkaasi ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay tababar u waddo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan ammaanka dalka Soomaaliya. 
Ciidamada Ethiopia ayaa howlgallada ka wada gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana Saraakiisha Ethiopia ay sheegeen in haddii loo baahdo inay gaaraan Magaalada Kismaayo ay si deg deg ah ku tagi doonaan islamarkaana ay gacanta ku dhigi doonaan Magaaladaasi, maadaama ay tibaaxeen inay haystaan qalab Militari iyo Ciidan ku fillan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>