Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi uu saacadaha soo socda ka furmi doono kulan ay yeelanayaan saxiixayaasha Raod Map-ka, kaas oo looga hadli doono qodobada xasaasiga ah ee hadda taagan iyo weliba qodobada ay Puntland ku diidantahay qabyo qoraalka dastuurka cusub iyo sababihii keenay inay ka baxaan shirka Odayaasha ee Muqdisho ka socda Isimadii ka socday maamulka Puntland oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe.
Sida warku sheegayo kulanka waxaa soo agaasimay Qaramada Midoobay waxaana ka qeyb geli doona dhammaan saxiixayaasha Raod Map-ka, sidoo kale kulanka waxaa goob joog ka ahaan doona, wakiillo ka kala socda Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo wadamada kale ee beesha caalamka.
Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan dalka Burundi ayaa kulanka ka qeybgali doona, waxaana lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan uu tago magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgeli doonaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo hadda ku sugan dalka Itoobiya, sidoo kalena waxaa hadda Itoobiya ku sugan Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin.
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagana la filaayaa inay saacadaha soo aadan gaaraan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya si ay uga qeybgalaan kulanka, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgeli doona maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan Ahlu Sunna gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa la filaayaa in si adag looga doodo qodobada dastuurka ee ay dhinacyada qaar ku arkaan kuwa aanay dani ugu jirin, Madaxweyne Shariif, Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, Madxaweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo xubnaha ka socda Ahlu Sunna ayaa dhamaantood waxay dood ka qabaan qodobo dhowr ah oo dastuurka ku jira, inkastoo ay aragti ahaan ay ku kala duwanyihiin waxyaabaha ay diidanyihiin.
↧
Kulan gaar ah oo ay dalka Itoobiya ku yeelanayaan saxiixayaasha Raod Map-ka oo isku khilfsan arrimo ay ka mid yihiin
↧