Warar ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Shirkada SKA oo shalay la goostay lacago fara badan lagu qabtay magaalada Nairobi.
Ninkaan oo ah nin Masaari isla markaana heysta diinta Masiixiga ayaa shalay kala goostay shirkada SKA oo ah shirkada maamusho garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho lacago lagu sheegay in ay gaareyso ilaa iyo 3 milyan oo doolar.
Sarkaal ka tirsan safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Cabdi Sataar ayaa u sheegay warbaahinta magaalada Muqdisho in ninkan oo ah Masaari Khidbi ah lagu qabtay magaalada Nairobi.
Ma jirto faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan qabashada ninkaan, waxa kale oo uu sheegay in lagu war geliyey lacagta uu soo dhacay in ay gaareyso ilaa iyo 300,000 oo doolar (Sadex boqol oo kun oo doolar).
Shirkada SKA ayaa ah shirkad ajnabi, waxay maamushaa howlaha xaga amaanka iyo socodsiinta diyaaradaha kala duwan ee garoonka Adan Cade, waxaana horay imaatinkeeda uga dhashay muran fara badan oo ka yimid baarlamaanka iyo qaar ka mid ah siyaasyiinta.
Waxyaabaha lagu eedeeyo waxaa ka mid ah in aysan badanaa qoranin shaqaalaha Soomaalida ah xilli ay jiraan dhalinyaro badan iyo aqoonyahano badan oo awooda in howlahaas ay u qumaan isla markaana shaqo la,aan ah.
↧
Nin Ajnabi u shaqeynayay Shirkada SKA oo shalay lacago kala goostay oo la qabtay
↧