Ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay la
wareegeen deegaanno hor leh oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka
Sh/hoose.
Sida ay xaqiijinayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan duleedka degmada
Afgooye, Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la
sheegay in goordhow ay la wareegeen deegaanka Sabyo oo 9-KM u jira
degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Dad deegaanka ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay dhaq
dhaqaaq ciidan ka wadaan kuwa degmada Afgooye islamarkaana ay ka
doonayaan inay ka hortagaan duulaanka wadajirka ah oo ay kusoo qaadeen
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Ciidamada dowladda ee la wareegay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee
gobolka Sh/hoose ayaa la tilmaamay injay wataan dabaabaadka dagaalka iyo
gaadiid farabadan, waxaana la tilmaamay inay wadaan howlgallo
ballaaran.
Saraakiil ka tisan Ciidamada dowlada ayaa ku wargaliyay dadka ku sugan
deegaanka Sabyo inay is dejiyaan islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidamada
ammaanka ee dowladda KMG Soomaaliya.
↧
Ciidmada AMISOM oo la wareegay degaano ka tirsan degmada afgooye
↧