Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shirkii Addis Ababa oo la sheegay in la isku afgartay watigana loo kordhinayo dowladda KMG ah

$
0
0

Shirkii Madaxda Somaliyeed uga socday Adis-Ababa Xarunta Midowga Africa ayaa la wareegay in la soo gebagebeyn doono maanta gelinka dambe iyadoo la sheegay in muddo kordhin loo sameyn doono dowladda kmg ah ee haatan shaqeysa.

Warar dheeraad ayaa sheegaya in Beesha Caalamka Qaarkeed ay Codsatay in Lix Bilood ama Sanad loogu Daro TFG Isla markaana Mudadaasi la soo Xulo Baarlamaanka Somaliya, warka ayaa intaasi ku daray in la Hakiyay Shir Turkiga loogu qaban Lahaa Isimada Somaliya Walow aan la sheegin Sababta waxana Shirkaasi loo Wareejiyay Adis-Ababa ama Nairobi Midkood inuu ka dhaca
Wadamada Talyaaniga iyo UK ayaa ka mid ah Kuwa Cadaadiska wada ee dalbanaya in TFG Mudo Kordhis  Gaaban loo Sameeyo isla markaana Marxalada Kala Guurka ah inta aan la Gaadhin la soo xulo Baarlamaan Cusub oo Mudadaasi La shaqayndoona Xukuumada waxa la xusay in Railsawasaaraha iyo Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku ay Mudo Kordhiskaasi ku Shaqayndoonaan Halka Baarlamaanka Kaliya la soo xulayo Ilaa Laga Gaadhayo Bisha Sideedaad ee Sanadkan  Markaasna  dhamaan Xukuumada Hay’addaheedu ay Gabal Dhacsanayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>