Hogaanka sare ee Xarakada Alshabaab ayaa iminka ah sida wararka lagu helayo mid lagu muransan yahay.
Shiikh Cabdirixiin Ciise Cadoow, Afhayeenkii hore ee Midowgii Maxkamadaha ayaa sheegay in uu hayo xog rasmi ah oo ku saabsan khilaaf ba'an oo soo kala dhexgalay mas'uuliyiinta Alshabaab.
"Toban Qofood oo sideed Ajnabi ka tahay ayaa isku heysta xukunka sare ee Alshabaab, Axmed Godane iyo Ibraahim Afghan oo ilma-adeer ah ayaa Soomali ka ah inta kale waa Ajaaniib waxaana ugu cadcad Abuu Mansuur Al-Amriiki" Shiikh Cadoow, Afhayeenkii hore ee Midowgii Maxkamadaha.
Alshabaab wuxuu Shiikh Cadoow ku sifeeyay "Takfiir" aan muslim u aqoon cid aan iyaga aheyn wuxuuna sidoo kale Shiikh Cali Dheere iyo Muqtaar Roobow la meeldhigay qalab ama aalad la adeegsado oo ku hadla waxyaabaha ay ka xishoodaan dadka damiirta leh.
Hadalkan ka soo yeeray Shiikh Cabdirixiin Ciise Cadoow, Afhayeenkii hore ee Midowgii Maxkamadaha ayaa ka mid ah hadalada iska soo horjeeda ee ay hawada isu mariyaan Dhinacyadan beri meel u wada jeeday balse dana gaar ah hadda isku khilaafay.