Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Soomaaliya oo todobaadkii la soo dhaafay Maamulka Puntland si qarsoodi ah Hub fara badan ugu dirtay

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa sida la soo werinayo waxay qaab Qarsoodi ah u geysay magaalada Garowe, xarunta maamulka Puntland Hub aad u fara badan.

Shabakada warbaahinta Shabelle barta ay internetka ku leedahay ayaa waxaa la soo dhigay war sir ah oo sida la sheegay Saraakiisha laga soo xigtay aan magacooda la shaacin dalab saraakiishaas ka yimid dartiis.

Warkan la soo dhigay Barta Internetka ayaa sheegaya in Dowladda Soomaalidu Muqdisho diyaarad kaga rartay Hub aad u fara badan, waxaana hubkaas laga dejiyay magaalada Garowe ee Puntland.

Hubkan ayeey Dowladdu ugu deeqday Maamulka Puntland si uu ula dagaalo ciidamada dagaalka kula jira ee uu hogaamiyo Shiikh Atom:ka lagu xanto in uu xiriir la leeyahay Alshabaabka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku xoogga badan.

Dowladda iyo maamulka Puntland midna si rasmi ah ugama hadlin jirtaanka warkan, sidaas si la mid ahna Shiikh Atom kama hadlin hubkan la damacsan yahay sida la sheegayo in lagula dagaalo ciidamadiisa.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>